Waxaa maanta deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ka dhacay dibadbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday dowladda Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed, waxaana dhigayay dibadbaxyada dad careysan oo u badnaa dhallinyaro.
Dadka dibadbaxyada dhigayay ayaa la sheegay in ay ka careysnaayeen guryo dad shacab ah degnaayeen oo kuyaalla deegaanka Ceelasha Biyaha, kuwaa oo isbuucii hore ciidanka dowladda oo adeegsanayay baldoosaro ay bur buriyeen.
Dibadbaxayaasha ayaa tuurayay dhagxaan , waxa ayna ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagraeen iyo madaxda dowladad Soomaaliya, kuwaa oo ay ku eedeenayeen in ay yihiin kuwa dhul boob wada oo dadka shacabka ah barakicinaya.
Muuqaallo lasoo duubay ayaa laga arkayay dadka dhigayay dibaxbaxa oo dhagxaan ku tuuraya askarta ciidanka dowladda , oo iyana dhankooda rasaas kor iyo hoos ugu ridayay dadka shacabka ah ee dhigayay dbadbaxa.
Qaar kamid ah dadkii dhigayay dibadbaxa ayaa la sheegay in ay soo gaareen dhaawacyo, kuwaa oo loola cararay xarumo caafimaad oo lagu daweenayo, xaalada qeybo kamid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa muddo kooban xaalad jahwareer iyo rabsho ah ka jireen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com