Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga oo la sheegay in aysan ku jirin Guuto dagaallami karta

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa dhaliilay sida loo maamulayo loona duminayo ciidanka xoogag dalka Soomaaliya, oo guuldarooyin kala kulmay howlgallo ka dhan ahaa Al Shabaab .

Sheekh Shariif ayaa sheegay in aysan maanta jirin hal guuto oo katirsan ciidanka xoogga dalka oo dagaallami karta, waxa uuna sheegay iun wax badan ka qaldan yihiin hannaanka loola dagaallamayo kooxda Al Shabaab.

“Hannaanka loola diriraayo Al-Shabaab, haddii uu fiican yahay maxaa ciidamada usoo jabeen, mase la socotaa maanta ciidanka milatariga maanta hal guuto oo dagaalami karta in aysan ku jirin?” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxa uu sheegay Sheekh Shariif in aysan ka aamusi karin sida loo fashilinayo ciidanka ayna u jeedaan khalad aysan ka aamusi karin, waxa uuna xusay in siyaasiyiin ahaan kasoo horjeedaan in Al Shabaab la dagaallamo lagana adkaado.

“Wax badan oo aan rabin inaan halkan ku sheegin dartooda ma rabo inaan kusii socdo ciidanka waa khaldan yahay sida loo maamulay iyo sida loo hoggaamiyay waana sheegeynaa Shabaabna waa kasoo horjeednaa”. ayuu yiri Shgeekh Shariif oo wajigiisa caro ka muuqatay.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa kusoo aadaya xilli ay istaageen howkgalladii ka dhanka ahaa kooxda Al Shabaab ee ka socday deegaanno iyo degmooyin katirsan Galmudug iyo Hirshabelle, waxaana goobo horey ciidanka xoogga u qabsadeen dib ula wareegay Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Puntland oo go’aan ka soo saartay Imtixaanka dugsiyada Sare ee sanadkan

Caydiid Ali

Xukun adag oo lagu riday nin Al-Shabaab u qaabilsana kala gudbinta hubka iyo qaraxyada

Caydiid Ali

Aqlabiyadda Xildhibaannada Baarlamanka Somaliland oo War ka soo saaray heshiiskii Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---