Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo bogaadiyay Dedaalada Xaslinta

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Xil- Cali Yuusuf Cali – Xoosh oo khudbad ka jeediyey Madasha isku duwida Arrimaha Xasilinta Dalka ayaa ka hadlay sida Dowladda Soomaaliya ay hortabin u siiso howlaha Xasillinta ee laga fulinayo deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta.

Wasiir Cali – Xoosh ayaa ugu horayn bogaadiyey dedaaladda xasilinta ee ka socda guud ahaan dalka isaga oo Sheegay in dhamaan loo midoobo sidii looga wada shaqayn lahaa xasillinta “Goobaha Khawaarijta laga xoreeyay waxaa ka socda hawl baaxad leh oo baahan midnimo iyo in laga wada shaqeeyo in dalladaasi ay miradhalaan”.

Sidoo kale Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahey adkaynta iyo xoojinta wadashaqaynta xasilinta ee wasaaradiisa  kala dhaxeeya dowlad goboleedtada dalka ka jira iyo daneeyaasha xasullinta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in deegaannada maamulka Jubbaland in ay ka socdaan howlgallo waa weyn oo dib u xureyn ah, isaga oona sheegay in dowladda Federaalka ay garab taagan tahay maamulka Jubbaland

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Wasiir Xoosh oo lumiyey kalsoonida Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamanka Somalia

Caydiid Ali

Muqdisho: Digniin laga bixiyey Qaraxyo ku soo wajahan hotelo & Xarumo dowladeed

Caydiid Ali

Somaliland oo aqbashay codsi kaga yimid Ra’isul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---