Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maandooriye tiro badan oo lagu soo qabtay howgal ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Booliska Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay sameeyey howlgallo ay ka wadeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir kaasoo looga hortagayey dadka sameeya waxyaabaha maanka dooriya.

Qaar ka mid ah degmooyinkii laga sameeyey howlgalka ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa laga soo qabtay Maandooriye iyo dadkii sameynayay, kuwaasoo lagu soo bandhigay Xarunta Dembi-baarista CID-da.

Khamri dhalooyin waaweyn ku jira, caagag calaq ama khamri macmal ah lagu keydiyey digsiyo lagu sameeynayay calaqa iyo Dhalinyaro ku howlanaa sameyntiisa, kana ganacsanayey ayaa ka mid ah waxyaabaha la soo bandhigay.

Taliyaha Booliska Somalia oo ku sugnaa goobta maandooriyaha lagu soo bandhigay ayaa ciidanka amniga ku amaanay talaabada ay qaadeen iyo dedaalka ay muujiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mucaaradka oo ka hadlay jawaabta Farmaajo ka bixiyey go’aankii Khayre iyo Warar kale

admin

C/llaahi Maxamed Warfaa oo laga gudoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo (Sawirro)

Caydiid Ali

Baarlamaanka Jubbaland oo aqbalay codsi uga Yimid Madaxweyne Axmed Madoobe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---