Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Shariif oo si kulul u eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo saakay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka xilligan ka taagan, isagoona eedeymo kulul u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladda uu hoggaamiyo.

Sheekh Shariif ayaana sheegay in xilligan dalku ku jiro xaalad adag marka loo eego dhinaca ammaanka, siyaasada iyo doorashooyinka, waxa uuna sheegay dowladda hadda jirta uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ka gaabisay la dagaallanka argagaxisada iyo ka shaqeynta doorashada.

Waxa uu sheegay Sheekh Shariif in dowladda ka gaabisay la dagaallanka kooxda Al Shabaab oo dalka khatar amni ku ah, waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda ka gaabisay qabashada doorashada , gaar ahaan doorashooyinka dowlad goboleedyada oo waqtigooda la dhaafay.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan qorshayaal la doonayo in meesha looga saaro ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, laguna dhiso ciidan gaar ah oo ka shaqeenaya danaha koox iyo shaqsiyaad gaar ah , sida uu tilmaamay.

“Istarakjarka ciidanka oo la beddalo wuxuu muujinayaa in aan laga shaqeyneynin ciidan inuu dhismo oo laga shaqeynaayo awood gaar ah inay dad gaar ah gacantooda kusoo auurto. Dalkan Janaraalo ayaa soo xukumeen waqti dheer oo ciidanka gacantooda uu ku jiray dadka waxa ay ku joogi karaan waa cadaalad, nina inuusan ku fikirin inuu ciidan gaar ah diyaariyo hub gaar ah qaato si uu wax gaar ah ugu gaaro arrintaas waxaan u maleynaayay in laga soo gudbay maanta inay muuqato saa saankeeda wax aad iyo aad looga xumaado waayay”.ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu ka gaabiyay in dalka ku jiheeyo in ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay, waxa uuna si gaar ah ugu eedeeyay Xasan Sheekh in uu hortaagan yahay in doorashooyin ka dhacaan dowlad goboleedyada.

“Waxaa nasoo gaartay in madaxweynuhu uu ku yiri Madaxda maamul goboleedyada ee xiligu ka dhammaaday iska jooga waxba doorasho ha gelinina, dowlad ka shaqeynaysa danaheeda gaarka ah intee na gaynaysaa?”. ayuu  yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaana sheegay in dalka uu hadda ku sugan yahay xaalad adag una baahan badbaadin, waxa uuna sheegay in kooxda Al Shabaab ay hadda kasii awood iyo tiro badan yihiin intii hore , waxa uuna xusay in dowladda hadda ku mashquushay arrimo kale sida xarriga wariyaasha iyo dano shaqsi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa ka dambeeyey dil dhowr habeen ka hor Muqdisho loogu geystay C/llaahi Faarax Xiirey?

Caydiid Ali

Xaaf oo shaaciyey in la qabtay raggii xalay xasuuqa ka geystay Koonfurta Gaalkacyo

Caydiid Ali

Aqalka Sare oo meel mariyay Sharciga Hay’adda NISA iyo Mahad Salaad oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---