Xildhibaan katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Stuart Polak, ayaa difaacay heshiiskii is-afgarad ee sannadkan horaantiisa dhax maray maamulka Somaliland iyo dowladda Federaalka ee Itoobiya
Stuart Polak, ayaa sheegay in heshiiska is-fahan ay wada galeen maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya uu yahay mid muhiim ah oo wax taraya labada dhinac, gaar ahaan dhinaca ganacsiga iyo ammaanka mandaqada gobolka geeska Afrika.
Xildhibaanka ayaa sheegay in heshiiskan ay galeen Somaliland iyo Itoobiya ay isku dhaafsadeen danahooda, iyada uu dhigayo in Somaliland ay 20km oo xeebteeda ah ka kirayso Somaliland, halka Itoobiya noqon doonto dalkii koowaad ee ka tirsan xubnaha Qarammada midoobay ee aqoonsada Somaliland.
Waxa uu xildhibaanka  oo ka hadlayay fadhi golahooda Aqalka Sare Ingiriisku yeesheen ka sheegay in Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn uu cilaaqaadka ganacsi ee ay la galeen Somaliland uu yahay tallaabo hore loo qaaday oo kaalin muhiim ah ka qaadansysa isbeddelka mandaqada geeska Afrika ,
Maamulka Somaliland ayaa lacago siisa xildhibaanno katirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska, kuwaa oo ka shaqeeya sidii loo aqoonsan lahaa maamulkan, waxa ayna xildhibaannadan siyaasadda Somaliland ka gadaan dowladda Ingiriiska.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com