Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Aam Aadmi Party (AAP) ee baarlamaanka dalka Hindiya oo dhaleecaynaya dowladda Hindiya xilli laga doodaayay miisaaniyad sanadeedka 2024-2025 sheegay in muwaadiniinta dalka Hindiya ay canshuurta u bixiyaan sida dalka UK balse ay helaan adeeg lamid ah kan Soomaaliya oo kale.
Isbarbardhigaan oo ka dhigan in muwadiniinta dalka Hindiya ay u bixiyaan canshuurta si lamid ah kuwa dalka UK ayna heli karaan adeeg lamid ah kuwa ay helaan shacabka UK, balse ay taas beddelkeeda tahay oo ayna helinba adeeg quman oo shacabka anfaca.
Xildhibaan Raghav Chadha waa xildhibaanka ugu da’da yar ee golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Hindiya ee loo yaqaanno Rajya Sabha, waxaana lagasoo doortaa Punjab.
Dhaleeceyn adag oo ku saabsan Miisaaniyadda Golaha ayuu kale ku sheegay in tallaabada dowladdu ay meesha uga saartay faa’iidooyinka tusmada ee iibinta hantida duugga ah ay dhiirigelin doonto qulqulka lacagta madow.
Khudbad uu u jeediyay Baarlamaanka 25-kii Luulyo, Chadha wuxuu ka codsaday dowladda inay dib u eegis ballaaran ku sameyso qaab dhismeedka canshuuraha oo uu u soo jeediyay sideed talo.
“10-kii sano ee u dambeeyay, dowladdu waxay dhiigga shacabka ka jaqeysay canshuuraha,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray “Maxay dowladdu nagu soo celisaa…? Taasi waa sababta aan maanta uga laba labeynaynin in aan dhaho haddaan nahay Hindiya maanta waxaan bixinaa canshuur sida England si aan u helno adeegyo sida Soomaaliya oo kale ah”.
Xildhibaanka xisbiga ayaa sidoo kale sheegtay in dhammaan qeybaha bulshada ay ka xumaadeen Miisaaniyadda, oo ay ku jiraan taageerayaasha xisbiga BJP ee dalka Hindiya hoggaamiya
Xildhibaan Raghav Chadha waxuu qabaa atariishada caanka ah ee filimada jisha ee lagu magacaabo Parineeti Chopra oo arooskoodu ka dhacay magaalada Delhi sanadkii 2023. Isla sanadkaasna arooskoodu waxuu ahaa mid aad looga hadalhayo guud ahaanba dalweynaha Hindiya.
Waxuu sidoo kale iftiimiyay “kobaca hoose ee tobanka sano ee dakhliga miyiga ee sanad maaliyadeedka 2023-24. Waxa uu sabab uga dhigay arrintan “Sicir-bararka miyiga oo sii kordhaya, shaqo la’aanta miyiga, wax-soo-saarka dalagga oo yaraada, sinnaan la’aanta dakhliga, deynta beeralayda, kharashka wax-soo-saarka oo sarreeya, dakhliga hoose, MSP-da iyo khasaaraha dalagga”.
Intii lagu guda jiray doodda ku saabsan Miisaaniyadda Midowga 2024-25 ee aqalka xildhibaanku wuxuu ku boorriyay dowladda midowga inay dib u soo celiso go’aankooda, isagoo sheegay in dadku waligood ma awoodi doonaan inay iibsadaan “guryahooda riyooyinka”. Waxa uu ku dooday in soo jeedintaasi ay horseedi doonto musuq-maasuq xad-dhaaf ah oo lagu sameeyo hantida ma-guurtada ah, isla markaana uu hoos u dhici doono maal-gashigii lagu samayn lahaa qaybtaas.
“Soo celinta tusmaynta faa’iidooyinka raasumaalka muddada-dheer. Dunida oo dhan, si ay u dhiirigeliyaan maalgashadayaasha inay maalgashadaan waa la dhiirigeliyaa. Dalkan, annagoo meesha ka saarayna indexation-ka waxaanu niyad jabinaynaa heerka maalgashadayaasha,” ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray in meesha laga saaray indexation-ka aanay ahayn cashuur, balse ay la mid tahay “ciqaabta maalgashadayaasha”.
Dalka Soomaaliya oo la daaladhacaya caqabado ugu weyntahay amniga ayaan dowladdu ayna dadweynaha wada siin adeeg joogta ah oo qofka Soomaaliga ahi ku tiirsanaan karo kagana, tusaale ahaan adeegga caafimaadka oo ka mida waxyaabaha baahida weyn loo qabo ee dalka ka jira ayay sanad walba kumanaan bukaanno ah u tagaan dalka uu kasoo jeedo xildhibaankan si’ay uga haleen adeeg caafimaad.
Wasiirka caafimaadka ee dalka Soomaaliya ayaa 2023-dii sheegay in bukaannada Soomaaliya ka tagaya ee caafimaadka u doonanaya dalka Hindiya ay sanadkii ku bixiyaan lacag ka badan 100 milyan oo doolar.
“Sanadahii lasoo dhaafay muwadiniinta Soomaalida ahi, waxay Hindiya u imaanaayeen daryeelka caafimaadka. In ka badan 100 Milyan oo doollar ayayna muwadiinta Soomaalida ahi ku bixiyaan daryeelka Caafimaadka.” Ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Cali Xaaji Aadam.
Taas oo markaas wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya uu dhaleecayn kala kulmay ku aadan sidii loo dhimi lahaa lacagta intaas dhan ee dalka shisheeye ay Soomaalida ku bixinayaan keliya si’ay u helaan adeeg caafimaad.
Source BBC
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com