Kooxo burcad hubeysan oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, ayaa galabta deegaanka Philipi ee hoostagta magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, ku dilay nin dhallinyaro ah oo kamid ah Soomaalida halkaasi ku ganacsata.
Sida aan wararka ku helnay burcada hubeysan ayaa rasaas ku furay marxuum Cumar Cabduulllaahi Axmed (Qamarji), xilli uu ku sugnaa dukaanka lagu weeraray, waxaana la sheegay marxuumka in uu u geeriyooday rasaastii lagu dhuftay.
Burcada dilka u geestay muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay dhaceen dukaanka ay dilka ka geesteen, waxaana la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen markii ay dilka iyo dhacaba ka geesteen dukaanka Soomaalida laheyd.
Ciidamada booliiska dalka Koonfur Afrika oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in ay sameenayaan baaritaanno ku aadan dilkan, lamana sheegin ilaa hadda cid loo soo qabtay falkan dilka ah ee loo geestay muwaadinka Soomaaliyeed.
Soomaalida kunool dalka Koonfur Afrika ayaa si joogta ah ula kulma dilal iyo dhac ay u geestaan kooxo burcad ah ,mana jiro wax dowladda Koonfur Afrika ay ka qabato dilalka joogta ah iyo dhaca loo geesto muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com