Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo mamnuucaysa dawooyin loo isticmaalo Maandooriyaha

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xasan ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay sidii loo joojin lahaa daawooyinka aan lahayn nidaamka iyo habraacyada sharci ee ay wasaaraddu ugu talagashay qaabka ka ganacsiga adeegyada daawooyinka.

Wasiirka ayaa yiri “haddii waddo qaldan dalka lagu soo geliyo daawo qaldan waxaan ku qasbanahay in aan wax ka qabanno halista ay wajahayaan dadkeenna”,wuxuuna intaa raaciyay in ganacsiga dawooyinka ay noqdaan kuwo waafaqsan sharciyada dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka  Xukuumadad Soomaaliya mudane Maxamed Xasan waxa uu ku baaqay in laga waantoobo iibka daawooyinka aan tayada laheyn,kuwa dhacay iyo maandoooriyaasha .

Dhinaca kale wasiirka ayaa xusay in lagu baxay dowlad ahaan cudur la sheegay in uu ka dillaacay gobolka Shabeellada Dhexe,kaas oo loo yaqaanno cudurka Gowracatada.

Wasiirka ayaa sheegay in cudurkaasi ay illaa hadda u dhinteen laba ruux,halka laga daaweynayo 21 qof,waxaana calaamooyinkiisa uu ku tilmaamay dhuun xiran ,neef qabatoow iyo tabaryari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Danab oo dilal ka geystay wadada xiriirisa degmooyinka Balcad & Jowhar

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo & Taabit oo caawa kulan xasaasi ah ku yeelanaya Villa Somalia

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo la kulmay Madaxweynaha Oramada Itoobiya (Daawo Sawiirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---