Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo hal arrin u soo jeedisay Ruushka

Dawladda Soomaaliya ayaa u soo jeedisay Ruushka inuu safaarad rasmi ah ka furto caasimadda Muqdisho

Hadalkan ayaa yimid  ka dib markii Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi uu la hadlay warbaahinta Dawladda Ruushka ee RIA Novosti.

Ruushka oo 40 sanno ka hor Muqdisho ku lahaa adeegga diblomaasiyadeed ee ugu weyn gobolka geeska Afrika iyo halka kaliya ee ku taalla badweynta Hindiya ee safaarad uu ku lahaa , ayaa dhowaan soo bandhigay inuu doonayo sare u qaadista xiriirka Soomaaliya

Bishii May ee sannadkan ayaa waxaa Muqdisho soo booqday Safiirka Ruushka ee Soomaaliya, Danjire Mikhail Golovanov oo Somalia iyo Jabuuti u qaabilsan Ruushka kaasoo aan degganayn caasimadda Muqdisho.

Waxaa uu kulamo la qaatay madaxda sare ee dalka isagoo sidoo kale ku wareejiyey dowlada Somalia markab siday deeq qamadi ah oo ruushku ugu talao Somalia taasoo gaareysay 25 kun oo tan.

 

Related posts

Ka dib diidmadii ka soo yeertay Midowga Afrika Farmaajo labo wado ayaa u furan

Caydiid Ali

Baarlamaanka Puntland oo aqbalay codsi uga yimid Madaxweyne Saciid Deni

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baaq ka dhan ah Al Shabaab u diray Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---