Allbanaadir.com
NEWS

DF oo amar culus ka soo saartay dawooyinka dalka keeno

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka XFS mudane Maxamed Xasan ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay sidii loo joojin lahaa daawooyinka aan laheyn nidaamka iyo habraacyada sharci ee ay wasaaraddu ugu talagashay qaabka ka ganacsiga adeegyada daawooyinka.

Wasiirka ayaa yiri “haddii Waddo qaldan dalka lagu soo geliyo daawo qaldan waxaan ku qasbanahay in aan wax ka qabanno halista ay wajahayaan dadkeenna”,wuxuuna intaa raaciyay in ganacsiga dawooyinka ay noqdaan kuwo waafaqsan sharciyada dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka XFS mudane Maxamed Xasan waxa uu ku baaqay in laga waantoobo iibka daawooyinka aan tayada laheyn,kuwa dhacay iyo maandoooriyaasha .

Dhinaca kale wasiirka ayaa xusay in lagu baxay dowlad ahaan cudur la sheegay in uu ka dillaacay Gobolka Shabeellada Dhexe,kaas oo loo yaqaanno cudurka Gowracatada.

Wasiirka ayaa sheegay in cudurkaasi ay illaa hadda u dhinteen laba ruux,halka laga daaweynayo 21 qof,waxaana calaamooyinkiisa uu ku tilmaamay dhuun xiran ,neef qabatoow iyo tabaryari.

 

Related posts

Maraykanka oo soo riday dayuurad ay leeyihiin Milateriga dalka Iiraan

Caydiid Ali

Muxuu yahay Golaha cusub ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Deni? (Magacyada)

Caydiid Ali

Madaxweyne caan ah oo la kulmay oo maxbuus 40 sano ku jiray xabsi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---