Taariikhda markii u horreyay diyaaradaha xambaarta bambooyinka istiraatijiga ah ee Shiinaha H-6 iyo Ruushka TU-95 Bear oo wada socda ayaa gudaha u galay aagga Aqoonsiga Difaaca Cirka ee Alaska ee dalka Mareykanka, iyadoo diyaaradahan ay ilaalinayeen kuwa Ruushka ee Su-30SM iyo Su-35S, waxayna ka soo kaceen saldhig ku yaalla Ruushka.
Taliska difaaca cirka Waqooyiga Ameerika ayaa ku sheegay dhacdadan markii u horreysay oo Ruushka iyo Shiinaha oo wada socda ay gudaha usoo galeen aagga aqoonsiga Difaaca Cirka ee Alaska (ADIZ), waxaana dhexda u galay oo dib u celiyay diyaaradaha Mareykanka iyo Canada oo wada socda.
Tani waxaa loo qaadanaya tilmaamtii u horreysay oo ay ku doonayaan Ruushka iyo Shiinaha hab isbahaysi difaac inay ka wajahaan Mareykanka iyo xulafadiisa galbeedka, iyadoo sirdoonka reer galbeedka ay ka digayaan Ruushka inuu sameyn karo aargoosi ka dhan ah taageerrada reer galbeedka ee Ukraine.
Digniintan waxaa si dhab ah u qaatay UK , oo u diyaarinaysa militari dagaal weyne ay geli karaan saddex sanno gudahood, sababtoo ah dunidda hadda waxay dul joogta khatar aan soomarin, tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.