Allbanaadir.com
NEWS

Somalia iyo QM oo ka wadahadlay shan qodob oo Muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa shir guddoomiyay kulan wax ku ool ah oo ay qeyb ka ahayeen ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay George Conway iyo madaxa xafiiska UN-OCHA ee Soomaaliya Crispen Rukasha oo ay weheliyaan kooxo farsamo oo ka kala socday hay’adaha UN-OCHA iyo SoDMA.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada iyo isku-duwidda howlaha gurmadka, wax ka qabashada caqabadaha la xiriira leexsashada gargaarka, gacan ka geysiga arrimaha xasilinta, wax-ka-qabashada caqabadaha la diiwaan galiyay iyo in SoDMA ay noqoto isku-duwaha hoggaanka u ah dadaalka xasilinta degdegga ah si loo helo hufnaan.

Sidoo kale, waxaa kulanka looga wada-hadlay dar-dar galinta iyo isku-dubbaridka howlaha Madasha bani’aadannimda dalka taasoo dhawaan dhici doonta, kana soo qeyb galayaan deeq-bixiyayaasha, Wasaaradaha Dowlad gobolleedyada ee ka shaqeeya gargaarka iyo guud ahaan hay’adaha ku lugta leh arrimaha bani’aadannimo, waxaana la muujiyay muhiimadda ay leedahay helidda waxqabad midaysan iyo qorshe dhammaystiran.

Related posts

Ciidamo cusub oo lagu wareejiyay Amaanka Muqdisho

Cabdi Cade

Laftagareen oo kulan xasaasi ah la qaatay Xubnaha Aqalka sare ku matela (Sawirro)

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Jabuuti (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---