Waxyaabaha qoriga caaradiisa dadka rayidka ah hantidooda lagu geysanayo waxey cid walba soo xusuusineysaa fowdadii iyo sharci la’aantii ka jiri jirtey maamulada degmooyinka dalka markii ay duntey dowladdii kelitaliska ahayd ee dalka ka talineysey, waxeyna soo noqoshada maamulista arxankadaran ay quus sii gelineysaa rajada laga qabey dib u soo hagaagida siyaasadaha arrimaha gudaha dalka oo marba marka ka dambeysa dib ugu sii noqoneysa tacadiyadii dalka ka jirey xiligii dowlad la’aanta, oo ay qabqableyaasha dagaalogeyaasha ahaa oo arxankadarnaa ay kala maamulayeen qeybaha kala duwan ee gobolada dalka, kuwaas oo rayidka aan hubeysneyn hantidooda iyo naftoodaba qori caaradiis ku xalaaleysan jirey.
Ceelasha Biyaha dhawaqa ka soo yeeraya guuxa dadweynaha oo xambaarsan dhiilo maamulxumo waa mid baaq suuradxun ka bixinaya sida ay u sii liidaneyso madaxda maamuleysa dowladaha ka jira degmooyinka oo aysan jirin awood ka sareysa oo tacadiyadooda ka qabaneysa dadweynaha rayidka ah oo hantidooda iyo xoolahooda ay qori caaradiisa ku maamulanayaan, iyagoo aysan jirin dhowris sharci oo ay xeerinayaan, waxeyna tilaabadaas ay ka turjumeysa xukunka leh habdhaqanka argagaxgelinta oo ay ku maamulayaan hantida ay dadweynuhu leeyihiin oo ay doonayaan iney ku qaataan qoriga caaradiisa, taas oo saadaal xun ka bixineysa sida ay u faafeyso maamulxumada Muqdisho ay degmooyinka kale oo dhan ay uga wada dayanayaan.
Waxey dowladda Muqdisho hodon ku noqtay maamulxumada lagu boobayo dhulalka danta guud iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay oo siyaabo kala duwan lahaanshahooda loogu siiyey milkiyadooda ganacsato burcada oo laaluush ku kasbaday awooda dowladda hoose, iyo u hibeynta siyaasiyiin dano siyaasadeed awgeed loogu naasnuujinayey boobka dhulalka dadweynaha, waxeyna tilaabooyinkaas aysan cidna iska xilsaarin iney wax ka qabato ay horseeday in dhamaan degmooyinka dalka ay ka dhacaan boob la xiriira dhulalka dadweynaha iyo kuwii ahaa hantida guud, waxaana raadraacaas ugu dambeeyey ay tusaale lagu daydo ay u noqotay boobka loo geystey shacabka ku nool degmada Ceelasha biyaha oo xoog kula wareegey dhulal ay lahaayeen shacabka degen degmada.
Waxaa tixgelin mudan in la xuso in maamulka degmada Ceelasha biyaha ay ahaayeen iyaga iyo kuwii ka horeeyey kuwa dhulkaas sharciyadiisa dhiibey oo ka qaatay adeegyadii ay ku ogolaadeen dhismaha guryaha ku yaal dhulalka ay shalay shacabka ka burburiyeen, waxeyna si joogto ah ay sanooyin badan uga qaadanayeen canshuurta guryaha iyo adeegyada kale oo la xiriira amniga iyo nadaafada deegaanka, balse nasiibdaradu waxey tahay iney ka mariin habaabeen wajibaadka ka saran ilaalinta badqabka hantida dadweynuhu ay sida gaarka ah ugu leeyihiin degmada, waxeyna taas bedelkeeda ka doorbideen iney raacaan saanqaadka madaxda taladaxun ee ka arrimisa Muqdisho, sidaasna ay wada shaqeyn burcadnimo ay dhaca dadweynaha kula wadaagaan kooxo burcada oo caadeystey ka taajirida boobka dhulalka.
Waxaa dadweynaha la gudboon iney iska difaacaan burcada isku soo baheysatay dhaca iyo boobka dhulalka dadweynaha iyo kuwa ay shacabku sida gaarka ah ay u leeyihiin, waxeyna burcadaas xoolaha dadka rayidka ah ay ku dhacayaan dhulbixin booba oo la sameeyey xiligii u dambeeyey oo uu gabaabsiga sii ahaa maamulkii dowladda miletyeriga oo xukunkeeda kelitaliska ah awgeed ugu dambeyntii u dhacday halgan hubeysan oo ay shacabku kala horyimaadeen diidmada ay ku diidanaayeen in madaxda dalka maamuleysey ay qoysaskooda iyo qabiiladooda ay milkiyada lahaanshaha dhulalka dalka intiisa qiimaha badan ay ku siiyaan, iyagoo dhulalkaas xoogg looga qaadayey shacabkii iska lahaa degaanada ay degenaayeen.
Waxaan sax ahayn habraaca dhulalka dib loogu wareejinayo qoysas si dulmiya dhul aad u balaaran oo aysan weligood bixin canshuur dowladeed lahaanshahooda loo siinayo, iyadoo ay dhici karto dhulalkaas in dowladda badan oo dalka soo maamulayey oo mid walba uu siinayey xigtadooda iyo xigaaladooda, iyadoo midba midka ka dambeeya uu burinayey dikareetooyinka ka horeeyey oo dhulalkaas lagu bixiyey ama ay dhacday in si qiyaaneysan dadkii lahaa dhula;lka loogala wareegay baahida danta guud awgeed, kadibna milkiyadooda lagu abaalmariyey dad si gaara loo naasnujinayey, waxeyna habraaca tilaabooyinkaas hadda socda oo dib u soo cusboonaaday ay dalka dib ugu soo celinayaan dulmigii ay dadku horay uga gadoodeen oo sababay burburkii dowladda milateriga ahayd oo dalka ku maamuleysey kelitalisnimo arxandaran.
Caqliga madaxda oo xumaada iyo cirweynidooda oo xargagoosata, taas oo aysan waxba ugu tureyn shacabka ay xukunka dowladnimada ku maamulayaan, ayaa waxey keentaa taloxumo maamul oo aan sariigasho lahayn, waxeyna taasi ay ka soo horjeedaa hogaaminta wanaagsan oo dadweynaha rabitaanka qalbiyadooda loogu kasbado caqli wanaagsan iyo gacmo furan oo weliba ay taas u sii dheer tahay in dadka amaanadooda loo ilaaliyo, waxeyna maamul wanaajintaas ay ka hufan tahay cabasho dadweyne oo xambaarsan dareen xumaan badan oo ay dadku ka tirsanayaan maamulada Haykaladoodu kala sareeyaan, kuwaas oo aysan marna ka dhex dhicin in midba midka kale oo ka hooseeya uusan ku raacin tacadiyada ay ugu gaboodfalayaan rayidka ay maamulayaan, wuxuuna habwanaagaas uu ka soo horjeedaa iney dhacdo in masuuliyiintu ay noqdaan kuwo raacda dantooda keliya oo ay ku dhowranayaan musuqa ay hanti urursiga uga helayaan boobka loo geysanayo dadweynaha rayidka ah, taas oo marka ay dhacdo u muuqaneysa iney raaligelineyso nidaam dowladeed oo ku dhisan burcadnimo faldembiyeed u abaabulan oo ay heshiis ku wada yihiin madaxda maamuleysaa heer degmo ilaa heer dowlad goboleed ama ugu dambeyn ku soo biyoshubta madaxda dowladda dhexe.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dalka
Saciidciise258@aol.com