Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Eritrea oo ceyrisay Safiirkii Sudan u joogay Asmara

Eritrea ayaa ceyrisay safiirkii Suudaan u joogay dalkeeda danjire Khaled Abbas, waxaana loo qabtay 72 saacadood inuu uga baxo Eritrea.

Lama bixin wax faahfaahin ah oo ka dambeysa sababta keentay talaabadan,

Isbedelka gobolka ayaa kordhaya, iyadoo Abiy Ahmed maalmo ka hor tagay Port Sudan oo saldhig u ah Jen. Cabdifitah Al-Burhan oo hogaamiya dawladda Caalamku aqoonsan yahay.

Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in go’aanka Eritrea uu yimid xilli dowladda Suudaan iyo hoggaamiyaha (RSF) ay isku diyaarinayaan inay shir nabadeed ku qabtaan Itoobiya kaasoo ay dhexdhexaadinayaan Itoobiya, Imaaraadka Carabta iyo Midowga Afrika.

Xiriirka Eritrea iyo maamulka Abiy Axmed ayaa go’ay ilaa heer ay dowladda Eritrea qaaddo tallaabooyin saameynaya Itoobiya dal ahaan.

Shalay waxay mamnuucday Xukuumada Asmara, diyaarada Ethiopia Airlines inay tagto magaalada Asmara iyadoo talaabadan loo malaynayo iney salka ku heyso xiriirka labada dal oo sii xumaanayey.

 

Related posts

Xukuno adag oo lagu riday askar ka tirsan AMISOM oo shacab ku laayey Somalia

Caydiid Ali

Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn xooggan oo lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo gaaray Baydhabo & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---