Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal ajnabi ah oo katirsanaa Daacish oo lasoo bandhigay xogna bixiyay

Taliska Ciidanka PSF ee maamulka Puntland ayaa soo bandhigay sarkaal ajnabi oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Daacish, kaasi oo lagu qabtay buurta Calmis ee gobolka Bari.

Sarkaalkan ajnabiga ah ay qabteen ciudamada ammaanka maamulka Puntland ayaa  ka soo jeeda jasiiradda Zanzibar, waxa uuna magaciisa ku sheegay Cimraan Maxamed Calawi.

Sida uu muujinayo hadal laga duubay sarkaalkaasi oo Af-soomaali loo turjumay, Cimraan Maxamed Calawi ayaa bixinaya macluumaad ku saabsan maleeshiyaadka Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari.

Maxbuus Calawi ayaa qiranaya in uu ka tirsanaa kooxda argagixisada ah ee Daacish, uuna ka qayb galay dagaallo dhexmaray Daacish iyo AS, waxaana uu intaasi ku daray in maleeshiyaadka Daacish ee ku sugan Calmiskaad ay u badan yihiin ajaanib.

“Daacish waxa jooga ajaanib ka yimid, Itoobiya, waxaan arkay kuwa ka yimid Malawi, waxaan arkay kuwa ka yimid Yemen. Soomaalidu waa ku yar yihiin waxa ka badan ajaanibta” ayuu yiri Cimraan Maxamed Calawi.

Sargaalkan katirsanaa Daacish ayaa sidoo kale sheegay in la qabtay, kadib markii uu ka soo baxsaday duqayntii u danbaysay ee lagu beegsaday Daacish, taasi oo nawaaxiga Qandala ka dhacday 31 May ee sannadkan.

 

Related posts

Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Agaasimaha WHO Tedros Adhanom oo jawaab culus siiyey Madaxweyne Trump

Caydiid Ali

(Sawirro) Muxuu Madaxweyne Deni kala hadlay Xildhibaanadii lagu doortay Garowe?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---