Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Deegaanka Liverpool oo dal u aqoonsaday Somaliland

 Golaha deegaanka magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska, ayaa shalay oo Arbaco ah shaaciyey in ay u aqonsadeen maamulka Somaliland dal madaxbannaan, kaddib markii ay cod u qaadeen golaha deegaanka Liverpool aqoonsiga Somaliland.

Warbaahinta dalka Ingiriiska qaarkood ayaa ku waramaya in golaha deegaanka magaalada Liverpool ay dood ka yeesheen mooshinka aqoonsiga maamulka Somaliland, waxaana dood kaddib golaha deegaanka u codeeyeen in Somaliland u aqoonsadaan dal ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale .

Maamulka Somaliland waxaa horey sidaan oo kale ugu aqoonsaday golaha deegaanka magaalooyinka  Sheffield, Cardif City oo Wales ka tirsan, waxaana hadda socda olole lagu doonayo in magaalooyin kale laga aqoonsado Somaliland.

Qaar kamid ah qurbajoogta kasoo jeeda deegaannada maamulka Somaliland ayaa si wey uga shaqeenaya sidii loo aqoonsan lahaa maamulka Somaliland, waxa ayna hadda olole ka wadaan qurbojoogtan magaalooyin kale oo katirsan dalka Ingiriiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

QM oo shaacisay iney joojineyso gargaarkii ay siin jirtay shacabka Falastiin (Sababta)

Caydiid Ali

Arrin Murugo leh oo ka dhacday Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Halis todobaadka soo socda ku wajahan Britain iyo dowlada oo digniin bixisay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---