Allbanaadir.com
NEWS

Joseph Ntakirutimana iyo xubno la socday oo la maamuusay (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay guddoomiyaha baarlamaanka urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa mudane. Joseph Ntakirutimana ayaa guddoonka golaha shacabka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen isaga wafdigiisa, waxa uuna boggaadiyay horumarka dowladnimo ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal kooban jeediyay jeediyay ayaa wafdiga ka socda baarlamaanka EAC la wadaagay muhiimadda ay Baarlamaanka Soomaaliya u leedahay in wafdigan dalka booqasho ku yimaadaan iyo in dalkeena uu xubin rasmi ah ka noqdo Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.

Ugu dambeyn guddoonka Golaha Shacabka ayaa hadiyado guddoonsiiyay guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa iyo wafdigiisa, iyadoo dhanka kalena wafdiga ka socday baarlamaanka EAC hadiyado guddoonsiiyeen guddoonka golaha Shacabka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri doorashadii saaka ka dhacday Garowe? (Akhriso)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaal xooggan oo Maalintii saddexaad ka socda Sudan iyo Dhimashada oo…

Cabdi Cade

Gudoonka labada Aqal ee Baarlamanka oo ka wada hadlay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---