Allbanaadir.com
NEWS

Jarmalka oo albaabada u laabay 50 xarumood oo Islaami ah

Booliiska Jarmalka ayaa maanta gudaha u galay xarunta ugu weyn Shiicada ee ku taalla Hamburg iyo illaa 50 xarumood oo kale oo ay xaruntan maamusho, iyagoo ku eedeyay xaruntan iyo daladdaha hoos taga ee ay ku leedahay Jarmalka inay sharci-darro tahay

.Xaruntan Islamic Center Hamburg (IZH) oo sidoo kale loo yaqaan Masjidka Buluuga ah, ayaa Iiraaniyiin dalkooda laga soo masaafuriyay waxay aasaaseen sannadkii 1953-dii, tan iyo kacaankii Iran ee 1979, waxay xaruntan xiriir la lahayd dawladda Iran.

Jarmalka ayaa lagu eedeynaya inuu tallaabadan u qaaday, isagoo fulinaya codsi ka yimid Israa’iil, waxaana xaruntan lagu eedeeyay inay maalgeliso Xisbullah oo taageerta Xamaas iyo faafinta dacaayaddaha Iran.

Iran oo ka jawaabaysa tallaabadan; wasaaradda Arrimaha dibadda Iran, waxay u yeertay Safiirka Jarmalka u fadhiya Tehran si ay su’aallo uga waydiiso xayiraadda uu Jarmalka ku soo rogay xarunta Shiicada Jarmalka.

Related posts

(Sawirro) Dad fara badan oo ku le’day Magaalada Nawabshah ka dib markii..

Caydiid Ali

Dowlado Shisheeye oo ku lug yeeshay Fashilinta Xal u helida Khilaafka Farmaajo iyo Rooble !

Cabdi Cade

Nabad Sugida Soomaaliya oo faah faahisay nin u shaqeeya Shirkad Ganacsi oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---