Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Israel oo lagu xanibay dayuurad uu la socday

Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog iyo wafdiga Israa’iil ee ka qeybgalaya ciyaaraha Olombikada Adduunka ee Paris, ayaa maanta muddo 40 daqiiqo ah loo diidday inay ka soo deggaan diyaaraddii siday

Sababta ayaa lagu sheegay iney la xiriirta cabsi laga qabo inay weerar la kulmaan, markii lagu arkay dusha sare ee dhisme ku dhow garoonka uu ka deggayay qof looga shakiyay inuu isku dayayo weerar uu la beegsado.

Wafdigan ayaa markii dambe loo oggalaaday inay diyaaradda ka soo deggaan, waxaana aad loo adkeeyay amnigooda inta ay ku suganyihiin Paris.

Waxaa laga cabsi qabaa inay weerar la kulmaan, iyadoo kumannaan dadweyne ah oo ka soo horjeeda xasuuqa ay Israa’iil ka geysanayso Gaza ay toddobaad walba bannaanbaxyo ka dhigaan Paris.

Related posts

Maxaad kala Socotaa Kala waqti yaraanta Saacadaha Soonka ee Dalalka Islaamka ?

Cabdi Cade

Turkiga oo Tababar aan caadi aheyn siinaya ciidamo katirsan milatariga Somalia (Sawirro)

Cabdi Cade

Bandow lagu soo rogay degaanada Puntland iyo socodka gaadiidka oo la joojinayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---