Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo ka qeyb galaya kulan Saddex geesood ah oo beri ka furmaya dalka Itoobiya

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu Berri oo Jimce ah u ambabaxo Magaalada Gondar ee Dalka Itoobiya.

Farmaajo ayaa halkaasi kaga qayb geli doona Shir Saddex geesood ah oo uu halkaasi kula yeelanayo Ra’asul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki, sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya, C/nuur Maxamed Axmed.

Kulankan ayaa waxa uu isku xirayaa natiijooyinkii ka soo baxay heshiiska Shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay dalalka gobolku ku yeesheen Magaalada Asmara ee dalka Eretrea labo Bilood ka hor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Dagaal qaraxyo ku bilowday oo ka socda qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali

Soomaaliya Siyaasadeedu yeysan noqon mar Guuleyste Macangaga oo loo maaro Waayo!

Caydiid Ali

Kartoonistihii caanka ahaa ee u Gefey Nebigeena Muxumad CSW oo dhintay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---