Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo digniin culus u dirtay dowlada Turkiga

Somaliland ayaa si adag uga soo horjeestay Ciidamada Turkiga ee ku soo wajahan Xeebaha Soomaaliya kuwaasoo la filayo inay dhowaan soo gaaraan Geeska Afrika.

Qoraal ay baahisay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa lagu yiri, “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si cad u diidaysaa in “Ciidamada Badda ee Turkiga la geeyo Aagga Badda Somaliland”.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si adag u diidaysaa in la soo geliyo ciidamada badda ee Turkiga ee ku sugan dhulka Somaliland ee la aqoonsan yahay. Aagaggani waxay si cad u qeexayaan shuruucda caalamiga ah, waxayna lagama maarmaan u yihiin madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland”. ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda Somaliland.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli dowladda Soomaaliya ay horraan heshiis la gashay dhiggeeda Turkiga kaasoo sheegayay in Turkigu uu ilaalinayo xeebaha Soomaaliya.

 

Related posts

War cusub oo ka soo kordhay booqashadi Madaxweyne Xasan Shiikh ku joogay Sacuudiga

Caydiid Ali

(Akhriso) Madaxtooyada Puntland oo War kulul ka soo saartay dilkii loo geystay Caa’isha

Caydiid Ali

Ururada Bulshada rayidka oo beeniyey qoraal ka soo baxay Villa Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---