Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa labaad ee aan caadiga ahayn, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ajendaha kulanka waxa uu ka koobnaa dhaarinta Xildhibaan cusub, kalmada soo dhoweynta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo hadal jeedinta Guddoomiyaha Baarlamaanka bulshada Bariga Afrika, waxaana ugu horeyn Habdhowraha Golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux uu dhaariyay Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac oo si rasmi ah uga mid noqday xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.
Intaasi ka dib Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal kooban kulanka ka jeediyay ayaa kulanka aan caadiga ahayn ee Golaha kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika Josepoh oo ku casuumanaa kulanka maanta ee golaha.
Guddoomimiyaha Baarlamaanka Urur goboleedka Bulshada Bariga Afrika Mudane Joseph Ntakirutimana oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa marka hore u mahadceliyay guddoonka iyo xildhibaanadda Golaha Shacabka isaga oo sidoo kale bogaadiyay shaqada uu Golaha Shacabka u haayo dadka Soomaaliyeed.
Guddoomimiyaha Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika waxa uu Golaha Shacabka uga warbixiyay sida uu u dhisanyahay Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika iyo howlaha uu qabto, waxaana uu tilmaamay in muhiimadda Baarlamaankan u dhisanyahay ay tahay ka shaqeynta hormarka iyo midnimada wadamada ururka ku jira.
Ugu dambeyn waxa uu bogaadiyay dadaaladii Soomaliya ay ku bixisay ku biiritaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika iyo kaalintii uu baarlamaanka Soomaaliya ka geystay, isaga oo dhinaca kale aad usoo dhoweeyay u diyaar garowga Baarlamaanka Soomaaliyeed ee ku aadan xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay Guddoomiyaha baarlamaanka bulshada Bariga Afrika Mudane Joseph Ntakirutiman oo guddoonka iyo xildhibaanadda Golaha Shacabka warbixin ka siiyay howlaha urur goboleedka bulshada Bariga Afrika gaar ahaan baarlamaanka ururkaasi.