Allbanaadir.com
NEWS

Dil aad looga naxay oo goordhaw ka dhacay caasimadda Galmudug

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamulka Galmudug , ayaa sheegaya i n goordhaw askari katirsanaa ilaalada xarunta maamulka gobolka Galgaduud , halkaasi ku dilay nin dhallinyaro ah oo ahaa wade mooto bajaaj.

Askariga ayaa la sheegay in rasaas la dhacay marxuumka wadaha mooto bajaajta ahaa oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Faarax Qorile, lamana oga ilaa hadda sababta rasmiga ah ee keentay in askarigan toogto nin bajaajlaha ahaa.

Ciidamo kale oo ka agdhawaa goobta dilku ka dhacay ayaa si deg deg ah ugu guuleestay in ay gacanta ku dhigaan askariga dilka geestay, waxaana wararku sheegayaan in askariga gacankudhiiglaha ah lagu xiray saldhigga booliiska Dhuusomareeb.

Ninkan shacabka ah ee lagu dilay magaalada Dhuusomareeb ayaa dilkiisa waxaa aad uga naxay dadka deegaanka, waxa ayna ehelkiisa iyo dadka deegaankaba dalbadeen in caddaaladda si deg deg ah loo horgeeyo ninka dilka geestay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaari uu lahaa Xildhibaan ka tirsan DF oo dayniile lagu qarxiyey

Caydiid Ali

Awaamiir ka soo baxday Israel oo ka dhaqan galay Lubnaan

Caydiid Ali

Haweeneydii lagu toogtay degmada Baardheere oo War cusub laga soo saaray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---