Allbanaadir.com
NEWS

Tirada dadka ku dhintay Musiibo ka dhacday Itoobiya oo korortay

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay labo dhul go’ oo Axadii iyo Isniintii ka dhacay koonfurta dalka Itoobiya, waxaana socda howlgallo gurmad ah ay wadaan ciidamada Itoobiya iyo kooxaha gurmadka deg dega ah.

Guryo badan oo kuyaallay deegaanno dhaca koonfurta Itoobiya ayaa dhulka la go’ay, waxa ayna guryahan ay dad badan ku sugnaayeen ka hoos mareen dhoobada, taa oo keentay in dad badan oo ay ku jiraan carruur iyo haween ku dhintaan musiibadan.

Tiradada meydadka laga soo saaray dhoobada hoosteeda ayaa la sheegay in hadda kor u dhaaftay 229-qof, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in meydad kale oo badan ay wali ku hoos jiraan dhulka dhoobada ah ee go’day.

Madaxda Waaxda Masoobiyinka Qaran ee magaalada Gofa ee dalka Itoobiya, Markos Melese ayaa Rueters u sheegay, in in ay wali helayaan meydad hor leh isla markaana aysan garaneyn xilliga ay jooji doonaan howlaha gurmadka.

Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dhul go’ ka dhacay dalka Itoobiya ayaa yimid, kaddib markii dad badan oo gurmad ahaan ugu yimid dad Axadii uu saameeyay dhul go’ dhacay uu mar labaad qabsaday dhul go’ labaad taas oo keentay in khasaaraha dhimasho sii bato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duulimaadyadii Somalia ee ay xayirtay Kenya oo xeelad cusub loo helay & Farmaajo oo..

Caydiid Ali

RW Ku-xigeenka Somalia oo gaaray caasimadda dalka Gambia ee Banjul (Ujeedka)

Caydiid Ali

Tahniyad aroos oo loo dirayo Abdiraxman Farax Muudey & Meymun Axmed Cumar (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---