Allbanaadir.com
NEWS

Shir arrimo muhiim ah looga hadlay oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka degmooyinka gobolka Banaadir oo looga hadlay arrimo kala duwan oo muhiim ahaa.

Shira oo kasooqeyb galeen inta badan guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen sare u qaadida dakhliga dowladda Hoose iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa waaxyaha dakhliga, Maamulada degmooyinka iyo hey’addaha amniga.

Shirka oo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye kuxigeenada maamulka gobolka Banaadir, taliyeyaasha laamaha amniga iyo agaasimayaasha dakhliga dowladda hoose ee Xamar, ayaa sidoo kale loogu hadlay sare u qaadida adeegyada aas-aasiga ah si bulshada dib loogu celiyo canshuurta.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa lacago kala duwan oo loo bixiyay magacyo kala gedisan ka qaada shacabka gobolka Banaadir, mana jiraan adeegyo dadka canshuurta laga qaado dib loogu celiyo si ay uga faa’iideestaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar kamid ah Isgoosyada Muqdisho oo dhagxaantii laga qaaday iyo kuwa cusub oo lagu xiray

Cabdi Cade

Ciidamada Cabdirsahiid Janan oo la sheegay in Hubkooda ku iibinayaan magaalada …

Cabdi Cade

(Sawirro) Xukun lagu riday Nin lagu helay inuu dilay hooyadiis, ka dibna cunay jirkeedii

Caydiid Ali
Taboola Ads ---