Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo codsi rasmi ah u soo dirtay dowlada Somalia

Itoobiya ayaa codsi rasmi u soo gudbisay Dowladda Soomaaliya codsigaas oo khuseeyo fasax iyo ogolaansho soo gelitaanka Gobolka Hiiraan, gaar ahaan degmada Maxaas halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya gaar ahaan kuwa ATMIS kamid ah.

Ciidamada Itoobiya ee soo gaaray Maxaas ayaa galbih doona illaa 500 Askari oo dalka ka bixi doono dabayaaqada bishan, bixitaankaas oo kamid ah qorshaha dhimista ciidanka ATMIS.

Itoobiya ayaa ciidan sagootiya ciidamadeeda Soomaaliya ku sugan u soo dirtay, waxeyna u soo martay jidka saxda ah sida ka muuqata codsi rasmi ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya u soo dirtay dowladda Soomaaliya.

Labada dal ayaa waxaa weli dhex yaalla khilaaf adag oo la xiriira isafgaradkii dhexmaray Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi ee la xiriiray is dhaafsiga badda iyo aqoonsiga kaasoo ay ka carootay DF.

Related posts

Madaxweyne Qoorqoor oo shaqada ka eryey Mid ka mid ah wasiirada Galmudug

Caydiid Ali

Musuq-Maasuq Halis ah oo ku wajahan Ganacsiga Qaadka Somalia iyo Canshuuraha ay Dowladdu ka hesho

Cabdi Cade

R/W Rooble oo ka hadlay Dilka Gudoomiyihii Hodan amarna siiyay Hay’adaha amaanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---