Sarkaal ka tirsanaa Al shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka ee gobolka Sh/hoose ku sugan
Cabdi Maxamed Caraaye oo magaciisa Afgarashada yahay (C/rashiid) ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka soomaliyeed ee ku sugan degaanka Buula mareer ee gobolka Shabeeladda hoose.
Sarkaalkan ayaa Al shabaab u qaabilsanaa dhanka Maaliyada isagoo muddo 14 sano ah la shaqeynaayey kooxdaas.
Waxaa uu sheegay inuu u adkeysan waayey xaalada adag ee kooxdu wajaheyso sidaas awgeedna uu go’aansaday inuu ka soo baxo.
Saaxiibadiis weli ku jira kooxda ayuu ugu baaqay iney isaga ku daydaan isagoo xusay in ciidamada xoogga dalka ay si wanaagsan u soo dhoweeyeen.