Allbanaadir.com
NEWS

Dhallinyaro laga soo badbaadiyay Magafe oo Muqdisho la keenay

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay dhallinyaro Soomaaliyeed oo in muddo ah dalka Liibiya ugu xirnaa kooxaha Magafayaasha loo yaqaan, kuwaa oo xirta tahriibayasaha Soomaaliyeed xabsiyana ku silciya.

Xafiiska ergayga gaarka ah ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Caruurta ee JFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda IOM ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay 7 dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga soo saaray xabsiyada dalka Liibiya.

Dhallinyaradan oo muddo badan Magaafayaal ku heystay Liibaya ayaa soo ceelintooda waxaa iska kaashaday xafiiska ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta iyo xuquuqda carruurta ee JFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda DFS, safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibaya, iyo Hay’adda IOM.

Dalka Liibiya waxaa ku xir xiran kuna silacsan dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ay heestaan magafayaal, kuwaa oo dadka xabsiyada ugu jira u heesta lacago badan oo madax-furasho ah oo aysan awoodin eheladooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh & wafdi uu horkacayo oo gaaray Kampala (Sawirro)

Caydiid Ali

Dil goor dhow ka dhacay Jidka Maka Al-Mukarama & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Dowladaha Soomaaliya & Cumaan oo kala saxiixday heshiis Iskaashi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---