Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay ka go’an tahay hirgelinta heshiiskii isfaham ay la galeen dowladda Itoobiya, waxa ayna eedeyno culus u jeediyeen dowladda Soomaaliya uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland mar kale xaqiijinayso ahmiyadda uu leeyahay heshiiska isfaham ay la galeen Itoobiya, kaasi oo ku astaysan masaalix wadaag iyo iskaashi ka dhexeeya labada dhinac.
Waxa kaloo warka lagy sheegay in tan iyo markii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda sannadkii 1991kii ay Somaliland ku tallaabsatay dhismaha dalkeeda oo ay u hirgashay xasilooni, dimuqraadiyad iyo is xukunkeeda gaarka ah.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa nasiibdarro ku tilmaantay in dowladda Soomaaliya ay wado iskuday la xiriira in ay qas ka rido Somaliland, waxa ayna ku eedeeyeen in ay taageerto kooxo jabhado ah oo hubkii ay dowladda siisay u gacan galay Alshabaab iyo maleeshiyo beeleedyo nabadgelyo darro ka abuuraya mandaqada.
War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland waxa lagu xusay in si ka duwan Soomaaliya loo doortay madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay dadkiisu ku soo cugteen doorashooyin xor iyo xalaal ah, taasi oo ka turjumaysa sida Somaliland ugu heellan tahay inay dabaqdo mabaa’dida dimuqraadiyadda, sidaas darteed; dawladda Soomaaliya waxa soo xula ashkhaas kooban waxaanay ku guul-daraysteen nidaamka dimuqraadiyadda.
“Somaliland waxay caddaynaysaa inay xaq u leedahay madax-bannaanideeda iyo inay xidhiidh iyo heshiisyo la gasho dalalka kale, waxaana ay ku taalla bogcad istaraatiji ah, waana halbowleyaasha badda cas,”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda.
Xukuumadda Somaliland waxa xustay in Xukuumadda Soomaaliya aysan lahayn sumcad aanay kaalin ku yeellan karin isfahamka Somaliland iyo Itoobiya, loogana baahan yahay inay xasiliyaan oo ay ku foognaadaan arrimahooda inta ay farogelinayaan arrimaha Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa 1dii bishii January 2024 kala saxeexday heshiis is-faham oo Somaliland 20km oo xeebteeda ah ka kirayso Itoobiya oo ka hirgelinayso saldhig millatari oo badda ah, iyadoo taas beddelkeeda Itoobiya noqon doonto dalka koowaad ee aqoonsada madaxbannaanida Somaliland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com