Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo loo doortay Xildhibaan

Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ka dhacday doorashada kursi katirsanaa golaha Shacabka, kaa oo horey isaga casishay kursigaasi xildhibaanadn katirsaneyd golaha Shacabka.

Doorashada kursigan oo aheyd mid xiran horeyna loo sii ogaa natiijadiisa ayaa waxaa nkusoo baxay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobe, oo horey kursigan marar kala duwan ugu soo fariistay,

Kursiga summadiisu aheyd  HOP 18 waxaa horey doorasho ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ugu soo baxday Xildhibaan Sahro Colaad Cabdi, waxaana la sheegay in xildhibaannadan ay iska casishay kursigan ayna go’aansatay in ay booska u banneeso Sareeye guud Bashiir Goobe.

Kuraas dhowr ah oo katirsan xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa hadda bannaan, kuwaa oo ay geeriyoodeen xildhibaannadii horey ugu fadhiyay, waxaana kuraasta bannaan kamid ah kursigii Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi caan ah oo ku baaqay in dacwad lagu soo oogo Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali

Ciidanka Huwanta oo xalay Al Shabaab kala wareegay Deegaano Hiiraan ka joogeen

Cabdi Cade

Bushaaro : Dugsiga Amiin Quran Online oo fursad qaaliya u haya qurbajoogta soomaliyed iyo caruurtooda wakhtiga summer-ka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---