Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo Ballanqaad u sameeyay askartii naafeesay Al Shabaab

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland, ayaa guulo waa weyn shalay ka gaaray weerar kooxda Al Shabaab shalay kusoo qaadeen deegaanno katirsan gobolka Jubadda Hoose, oo ay joogeen ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland.

Ciidanka huwanta ah ayaa dilay ku dhawaad boqol dagaallame oo katirsanaa kooxdii shalay weerarka soo qaaday ee katirsaneyd Al Shabaab, waxa ay sidoo kale ciidamada Al Shabaab ka furteen hub fara badan iyo sidoo kale saanad ciidan  .

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ku ammaanay ciidankii shalay dagaalka la galay Al Shabaab guushii ay gaareen, waxa uuna ciidamada u ballanqaaday dallacsiin iyo sidoo kale abaalmarino kale.

“Waxaan rabaa inaan idin la wadaago askari kasta waxaanu ku abaalmarin doonaa doorka uu ku leeyahay howlgallada socda, kii dalacaad mudan waanu dalacsiinaynaa, waliba ragii fuliyay howlgalkii u dambeeyay si gaara ayaanu u baal marinaynaa” Madaxweynaha Jubbaland”.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee ku sugan gobolka Jubadda Hoose ayaa marar badan casharo xanuun badan u dhigay kooxda Al Shabaab, waxaana duullaankii shalay Al Shabaab soo qaadeen noqday mid ay kala kulmeen khasaaro ay adag tahay in si fudud uga soo kabtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xeer Ilaalinta Qaranka oo soo Gabo gabeesay baarista Gal Dacwadeedka Hay’adda Sahan

Cabdi Cade

Rooble oo kulan arimo xasaasi ah looga hadlay la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka 

Cabdi Cade

Caro xoogan oo ka dhalatay dil loo geestay Jemel Roberson

Cabdi Cade
Taboola Ads ---