Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo badanaya xildhibaannada mucaaradka ku ah xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kuwaa oo dhaliilo badan usoo jeediyay xukuumadda iyo sida uu xilligan u shaqeyso.
Xildhibaanno badan oo ka hadlay fadhiyada baarlamaanka iyo kuwa warbaahinta la hadlay ayaa si kulul u dhaliilay xukuumadda Soomaaliya, xildhibaannada qaarkood ayaaba ugu baaqay Ra’isul Wasaare Xamse Barre in uu is-casilo maadaama ay sheegeen in uu fashilmay.
Wasiirka beeraha iyo waraabka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in tirada xildhibaannada xukuumadda mucaaradka ku ah ay gaarayaan ilaa 7 ama 8 xildhibaan oo kaliya.
Waxa uu sheegay wasiirka in xildhibaannadan tirada yar ay yihiin kuwa aan laga nasan oo maalin walbo warbaahinta ka eedeeya xukuumadda DanQaran, waxa uu sidoo kale xusay in xildhibaannadan wax ka sheegaan ciidamada ayna sameeyaan borobogaando.
“Xildhibaano yar oo 7 illaa 8 ah oo aan nasan oo dadka kale warbaahinta wuu ka nastaa ayaa maalin kasta halkan soo istaago been bey sheegaan marka, waxay yiraahdaan hoggaanka ciidamadu hoggaan sax ah maahan, yaa ogeysiiyay. “Ciidamada in la borobogaando waa eray qatar ah iyo in laga hadlo oo shaki la geliyo ciidanka, hoggaankooda iyo sida ay u dalacaan, waxayna taasi lamid tahay dambiilenimo” ayuu yiri wasiir Maareeye.
Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya ayaana ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dhagaha ka fureestaan waxa ay sheegayaan xildhibaannadan mucaaradka ah, waxa uuna sheegay in dowladda hadda jirtay labadii sanno ee lasoo dhaafay ay gaartay guulo wax ku ool ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com