Allbanaadir.com
NEWS

Weriye dhaliilay dowlada Xassan Shiikh oo xabsiga la dhigay

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa xiray weriye Cali Nur Salaad, oo kamid ah saxafiyiinta Rug-cadaaga ah ee ka howlgala Muqdisho.

Booliska ayaa Xarigiisa ku sheegay anshax xumo iyo been abuur, balse sida aan xog ku helay waxaa lagu heestaa war uu baahiyay oo ku saabsan saameynta uu ciidanka ku leeyahay qaadka xiliga ay joogaan furimaha dagaalka iyo qaadka dalka la keeno oo ay ku lug leeyihiin mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan.

Weriyaha ayaa muuqaalkiisa ku yiri “Goob kasta oo ay ciidanka joogaan waxaa laga helaa qaad xataa goobaha cusub ee la qabto, marka ay cunaan arroorta hore xiliga ay hurdayaan ayaa lasoo weeraraa waana la-laayaa, haddiiba uu qaadka dhibkaas leeyahay ayna ka ganacsanayaan madaxa qaranka soo dambi maahan?”

“Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Waabari oo gudanaya waajibaadka Qaranka, ayaa soo xiray eedeysane Cali-Nuur Salaad Xasan 38 jir ah,kuna eedeysan falal iskugu jira Anshax-daro, been-abuur iyo aflagaado Ciidammada Qalabka sida. Waxaa kusocota baarista Boliiska Waxaana la horgeydoonaa Maxkammada awooda u leh” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska gobolka Banaadir

Saxafiyiinta Muqdisho ayaa wajahaya culees gaar ah muddooyinkii lasoo dhaafay waxaana kordhay Xarigga iyo caga juglaynta uga imaaneysa hay’adaha amniga dalka.

Related posts

Maxaa ka hortaagan dowlada Farmaajo in ay fuliso Xukunnada Dilka?

Cabdi Cade

Hantidhowraha Qaranka oo saxiixay heshiis Saddex geesood ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay Albaabka Madaxtooyada oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade