In ka badan 200 oo dagaalyahano ka tirsanal shabaab oo isugu jiray kuwii ku dhaawacmay weerarkii saaka iyo kuwo firxad ah ayaa duqeyn dhanka cirka ah waxaa la eegtay saaxiibada Soomaaliya ka caawiya dhinaca la dagaalanka Argagixisada sida lagu sheegay war ka soo baxay Jubbaland
“Deegaan lagu magacaabo Dalaayad oo qiyaas ahaan 18-KM degmada Badhaadhe u jira ayaa lagula eegtay duqeynta maleeshiyaadka Argagixisada oo jahwareer badan uu ka muuqday ka gadaal mucjisadii saaka ku qabsatay deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose” ayaa lagiu yiri war ka soo baxay Jubbaland.
Hay’adaha amniga Jubbaland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerarka dhanka cirka ah ee Al shabaab lala eegtay uu sababay khasaaro xooggan oo la gaarsiiyay kooxda.
Al shabaab ayaa saaka si xooggan loogu jebiyey weerar ay ku soo qaadeen degaanka Buulo Xaaji oo dhowaan laga qabsaday, waxaana hallkaas looga dilay ku dhowaad 100 dagaalyahan halka qaar kale nolosha lagu qabtay, waxaana sawirada meydadka Al shabaab lagu faafiyey baraha bulshada.