Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo Shaacisay in 80-nin looga dilay Al Shabaab weeraradii saakay

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in  ka badan 80 xubnood oo Al Shabaab ah oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad  lagu dilay hawlgal ka hortag ah oo ay ciidanka xoogga iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen deegaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobalka Jubbada Hoose.

Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka Khawaarijta ah ay weerar nafla caari ah ku soo qaadeen fariisimo geesiyaasha xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku lahaayeen deegaannadaan, laakiin ciidanka oo u diyaarsanaa dhagarta cadowga ayaa ku guulaystay inay cagta mariyaan maleeshiyaadka Khawaarijta ah.

Ciidamadda ayaa hawlgalkan ku furtay hub aad u farabadan oo ay wateen cadowga, kuwaasi oo ay ka mid yihiin qoryaha RPG, BKM, AK47 iyo kuwa kale.

War-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya kasoo baxay ayaa lagu sheegay in iyaga oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ay ka go’an ciribtirka Khawaarijta nafla caariga ah ee duulaanka ku ah dalkeenna, dadkeenna iyo diinteenna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka K/Galbeed oo ka hadlay sababta loo xiray weriyihii Idaacadda VOA-da

Caydiid Ali

Booliiska Muqdisho oo qabtay nin Dhibaato u geestay qof Shacab ah

Cabdi Cade

Mid kamid ah Dowladaha Yurub oo ka hor timid in Sacuudiga Xayiraad dhinaca hubka la saaro

Cabdi Cade
Taboola Ads ---