Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo saakay rag badan laga dilay hubna laga furtay (Sawirro)

Dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab ayaa saakay aroortii hore weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday fariisimo ciidanka xoogga iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Buuloxaaji ee gobolka Jubadda Hoose.

Qaraxyada kaddib Al Shabaab ayaa weerar dhinaca dhulka ah ku galay deegaanka Buuloxaaji, hasa ahaatee ciidanka ayaa difaac adag xirtay iska caabiyay kooxdii weerarka kusoo qaaday saldhigyadii ay joogeen.

Saraakiisha ciidanka xoogga iyo kuwa Jubbaland ayaana sheegay in weerarkii Al Shabaab la fashiliyay, waxa ayna xuseen in Al Shabaab weerarkaasi cashir lagu siiyay lagana dilay xubno badan sidoo kale laga furtay hubkii ay wateen.

Meydadka xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab ayaa goordhaw lagu soo bandhigay deegaanka Buuloxaaji, waxaa sidoo kale lasoo bandhigay hub badan oo Al Shabaab dagaalka looga qabsaday.

Related posts

Xulka Germany ee ka qeyb galaya Koobka aduunka oo arrin yaab leh ku dhaqaaqay (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo xalay xaflad soo dhoweyn loogu sameeyey Baydhabo

Caydiid Ali

Israel oo si Jees jees ah uga hadashay duqeynta lagu hoobtay ee Isbitaalka Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---