Allbanaadir.com
NEWS

Muxudiin Saabey oo Shaaciyay in uusan Cuqdad iyo xumaan u qabin…

Agaasimihii hore ee canshuuraha barigga u qaabilsanaa wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Muxudiin Xasan Jurus (Saabey), oo dhawaan kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in uusan wax cuqdad iyo xumaan ah u qabin dowladda Soomaaliya.

Muxudiin Saabey oo xalay gurigiisa ku casuumay siyaasiyiin, waxgarad iyo haween kasoo jeeda beeshiisa ayaa caddeeyay in uu iska iloobay waxii xumaato ahaa ee horey lagula dhaqmay, waxa uuna sheegay in wax walbo ku ilaaway soo dhaweyntii quruxda badneed ee loo sameeyay darteed.

“Waxaan idin caddeyneynaa dowladda wax cuqdad ah oo aan u qabno ma jirto qof aan uga xunahay wixii dhacay malaha wixii horay noo galay waxaa naga baxshay tolkii nasoo dhaweeyay oo illaa garoonka noogu yimid” ayuu yiri Muxudiin Saabey.

Muxudiin Saabey oo horey xilal kala duwan soo qabtay ayaa dalka isaga cararay kaddib markii xafiiska Xeer ilaalinta kusoo oogeen dambiyo musuqmaasuq ayna amreen in lasoo xirio lana soo taago maxkamadda gobolka Banaadiir,

Masuuliyiin uu ku jiray Muxudiin Saabey ayaa maxkamadda racfaan ee gobolka Banaadir waxa dambe ah ku weysay, waxa uuna Saabey oo dalka ka cararay dibaddana ku maqnaa sannad ka badan maalmo kahor kusoo laabtay Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay siyaasiyiin iyo bulsho kasoo jeeda beeshiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo qaaday tallaabo adag oo ka dhan ah Muhaajiriinta dalkaasi ku qul qulaya

Cabdi Cade

(Sawirro) Deni oo booqday daadadkii Qardho, baaqna u diray DF & beesha caalamka

Caydiid Ali

Ergada Beesha Saleebaan oo goordhaw lagu soo dhaweeyay Dhuusomareeb (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade