Kooxda Al Shabaab ayaa saakay aroortii hore ;abo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaananada Harooboole iyo Buulaxaaji oo katirsan gobolka Jubadda Hoose, halkaas oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland Al Shabaab kala wareegeen.
Baabuur qaraxyo ku bilowdeen ayey kooxda Al Shabaab ku weerareen xeryo ciidanka huwanta ah kaga sugnaayeen labada deegaan ee saakay weerarku ka dhacay, waxaana qaraxyada kaddib halkaasi ka dhacay dagaal toos ah oo jilbaha la isku dhigtay.
Ciidanka xoogga dalka iyo ciidanka Birjeex loogu magacdaray ee ku sugan deegaananada Harooboole iyo Buuloxaaji ayaana la sheegay in si adag isaga difaaceen weerarka Al Shabaab, waxaana wararku sheegayaan in ciidanka difaacdeen gacan ku heynta deegaannada iyo saldhigyadii ay joogeen.
Saraakiiisha ciidanka ee ku sugnaa deegaannada la weeraray ayaa sheegay in ciidamada huwanta ah ee ku sugan deegaanka ay fashiliyeen weerarkii Al Shabaab, waxa ayna xuseen in Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay weerarkaasi ayna sii ceersanayaan firxadkooda.
Al Shabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay weerarka ay saakay ku qaadeen deegaannada Harooboole iyo Buulaxaaji, waxaana adag in la helo xogta dhabta ah ee weerarka saakay ka dhacay deegaanka Buuloxaaji ee gobolka Jubadda Hoose iyo khasaaraha ka dhashay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com