Allbanaadir.com
NEWS

Dayuuraradaha USA & UK oo mar kale weeraray Yemen

Diyaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa duqeyn ka geystay deegaanka Ras Isa ee dalka Yemen, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay kooxda Xuutiyiinta ee gacanta ku haya deegaankan.

Weerarka ayaa ku soo aaday markii sidan oo kale gelinkii dambe ee shalay ay duqeymo ka geysteen magaalada Xudeyda diyaaradaha Israa’iil.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa u muuqata inay guda galayaan marxaladda 5aad ee dagaalka ka dhanka ah Israa’iil, markii hoggaamiyaha ugu sarreeya kooxda uu bartiisa X ku baahiyay (Q5) oo lagu sheegay inay tahay ku dhawaaqista wajiga shanaad ee dagaalka oo ka duwan marxaladihii hore, xilli shalay weerarkii u horreyay ee duqeyn toos ah ay Israa’iil ka geysatay gudaha Yemen , tan iyo bilowgii dagaalka.

Afhayeenka Xuutiyiinta ayaa saacadihii hore ee maanta ku dhawaaqay inay isku diyaarinayaan jawaab noqon doonta mid weyn oo si lama filaan ah ku timaada, kaddib duqeymihii gelinkii dambe ee shalay ay Israa’iil ka geysatay magaalada Xudeyda.

Related posts

Muxuu Madaxweyne Xaaf ka yiri xil ka qaadista la sheegay in lagu sameeyey?

Caydiid Ali

R/W Khayre Oo la Kulmay Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Haweeney Baraha bulshada taageero ugu muujisay maamulka Somaliland oo la xiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---