Allbanaadir.com
NEWS

Saciid Ciise: “Haysashada hubka waa xoriyad Masiiriya oo shacabku xaq u leeyihiin”

Soomaaliya waa dal ay dowladiisu tahay dimoqaraadi oo shacabkeedu ay xor u yihiin helista xuquuqahooda oo dhameystiran, taas oo ay ka midka tahay xaqa ay leeyihiin haysashada hubka iyo qaadashadiisa, waxaana dhaqan ahaan Soomaalida caado soojireena u ahayd isticmaalka hubqaadashada, iyadoo uu nuucyada hubku ahaa mid isla bedelayey horumarka laga gaareyey farsamada hubka oo isla bedeleysey teknolajiyada cusub oo marba marka ka dambeysa la adeegsanayey.

Soomaalida taariikh ahaan waxey ahaayeen kuwo mar kasta hubeysan oo dhaqan ahaan, fikir ahaan, iyo xeer ahaan uu dareenkoodu ahaa kuwo col u jooga, waxeyna hubka ay haystaan ay ahayeen kuwo ay u adeegsadaan hubinta difaaca naftooda, deegaankooda, iyo guud ahaan amniga bulshadooda, iyagoo isaga difaacaya halista soo wajahda naftooda iyo mida ay kala kulmaan maamulka xukumaya oo naftooda iyo nololshooda gelinaya xoriyad la’aanta iyo xuquuq la’aanta.

Haysashada hubka sababta ugu weyn oo ay dadku ugu qasban yihiin iney qaataan waxey salka ku haysaa colaadaha ka dhasha isriixriixa bulshooyinka ay degaanada isaga kala riixanayaan, taas oo cid walba ku qasbeysa iney haystaan hubka ay isaga difaacaan cadowga ay uga cabsanayaan inuu halis geliyo naftooda, qoysaskooda, xoolahooda, iyo caqiidadooda, cadaawadaas oo inta badan ka dhalata marxaladaha ay keento duruufaha adag oo ay ugu jiraan halgan nololeed oo geeri iyo nolol u dhexeysa, taas oo ka timaada dhacdooyinka la xiriirta biyaha iyo baadka oo gabaabsi noqda awgeed in loogu dagaalamo helista lahaanshahooda.

Waxaa kaloo sii xoojinaya iney qasab ku noqotay in shacabka Soomaaliyeed ay hubka haystaan, ayaa waxaa tusaale u ah taariikhda adkeyd oo ay halgankii dheeraa ugu soo mareen dagaaladii ay la galeen ka hortaga damaca shisheeyihii ay ku doonayeen iney ku boobaan dhulalka Soomaaliyeed, taas oo ay iskacaabintoodii ay sabab u noqotay in maanta ay Soomaaliya u suurtogelisey iney sharci ahaan u yeelato lahaanshaha dhul balaaran, bado waaweyn, iyo webiyo, kuwaas oo hub la’aan uusan difaacoodu badbaadeen, waxaana hadda taas u wehlisa iney haysashada hubka ay dadku isaga difaacaan haddii ay dowladda Soomaaliya ay dib ugu noqoto xukun kelitalisnimo oo dadka caburinaya.

Waxey adeegsiga hubka ay dad badan ay ka soo saartaan maciishada ay ku nool yihiin sida ku uguursigeeda iyo ku shaqeysiga ay ku sugayaan amniga hantida sida gaarka ah loo leeyahay ama ilaalinta masuuliyiinta rayidka ah, waxaana intaas u dheer in dhaqan ahaan uu hubku ka mid yahay waxyaabaha xaragada, qabka, iyo heybada qofka ilaaliya oo gabdhaha lagu bixiyo oo haddana munaasabdo badan loogu dabaaldego, waxaana meelaha qaar ay dadku u isticmaalaan hubka iney ku tababartaan dhalinta soo ka ceysa si ay badbaadada dadkooda uga qeybqaataan.

Bulshada ah reer guuraaga haysashada hubku wuxuu u yahay astaan xornimo oo hido ahaan ay dhaxal u leeyihiin, wuxuuna siiyaa isku kalsoonaan xad dhaafa oo ay isku filnaasho buuxa ay amnigooda ugu kafaalo qaadaan, iyagoon aan marna isku haleyn maamul dowladeed oo aysan inta badan aysan hoos imaan xukunkeeda iyo sharciyadeeda, waxeyna cadow u arkaan deriskooda oo inta badan uu dagaal kala dhexeeyo, dugaaga xoolahooda dilaya, iyo amarkutaagleynta dowladda oo aysan wax xuquuqa ku haysan, waxaana xoolo dhaqatada, gaar ahaan geeljirka xeer ahaan mudnaanta koowaad u leh haysashada hubka ay cadowga uga waardiyeynayaan geela.

Inta ay jireen xukuumadihii isxigxigey ee Soomaalida maamulayey oo kala ahaa kuwo isticmaar iyo kuwo Soomaaliyeed, marna ma aysan dhicin awood maamul oo ku dhiirata in dadka Soomaaliyeed ay ka mamnuucdo gadashada hubka iyo qaadashadiisa, waxeyna tilaabadaas ay si hoose u sii xoojineysaa in shacabku ay xaq u leeyihiin iney ishubeeyaan, sidaasna ay ku ilaalsadaan amnigooda iyo nabadgelyada degaanadooda oo ay maciishada noloshoodu ku xiran tahay, haddana ah dhaxalkii ay ka soo gaareen awooweyaashood.

Dadku iney qaataan hubka waa xaq daruuriya oo ay leeyihiin, kaas oo lagama maarmaan u ah xoriyadda ay ku heleen gobonimada oo u ogolaaneysa xuquuqda ay u leeyihiin dhowrista aasaasiga ah ee xaqooda dadnimo, waxeyna taas ilaalinteedu ay la mid tahay xuquuqaha ay dadku u leeyihiin hadalka, cabirida fikirka, cibaadeysiga, iyo amni nabad ugu noolashaha, wuxuuna noqonayaa hubka shacabku haysto miisaan awoodeed oo isku dheelitiraya awooda shacabka iyo mida dowladda ay ku wada leeyihiin dalka, taas oo meesha ka saareysa in hal dhinac keliya uu awood wax ku muquunin karo.

Waxaa xadgudub ku ah madaxda dowladda Soomaaliya iney soo saaraan amaro lagu joojinayo gadashada, haysashada, farsameynta, iyo ka ganacsiga hubka, waxaana ah qalad aan laga fiirsan in arrinta hubka sharciyadiisa ay go’aan kaligeed ka gaarto xukuumada, iyadoo aysan tixgelin duruufaha ku gadaaman sooyaalka taariikheed, midka dhaqan, iyo midka fikradeed, waxaana taxadar dheeriya u baahan tilaabo kasta oo lagu xeerinayo hubka, maxaa yeelay haysashadiisu waa xuquuq masiiriya oo ay shacabku iska leeyihiin, taas oo haddii shacabka laga qaadayo xuquuqdaas u baahan in la horgeeyo baarlamaanka, oo sida ka jirta caalamka go’aan ka qaadashadeeda lagu darayo qodobada u degsan dastuurka dalka, kaas oo qeexaya in la ogol yahay ama in la diidan yahay.

Waxaa laga filayey madaxda dowladda iney xuquuqdaas shacabka u sharciyeyso, balse ma ahayn iney xaqooda ka qaadaan oo ay cidlo soo istaajiyaan shacabkeeda oo aan awood u lahayn iney isdifaaci karin iyo dowladda oo taagdaro awgeed aan haddana awood u lahayn iney difaaci karin amniga shacabkeeda, waxeyna ahayd tilaabadaas qaladan bedelkeeda iney madaxda dowladda ay xuquuqda shacabkeeda u meelmariso oo ay si sharciya ugu ogolaato, iyadoo xeerbeegsi ku soo saareysa xeerarka loo marayo hubka shacabku haysto sharciyeyntiisa, lahaanshihiisa, qaadista masuuliyadiisa, iyo xakameyntiisa si uusan u gelin gacmo qaldan.

Madaxda dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon iney si taxadar leh ay uga fiirsato mamnuucista hubka ay shacabku ku haystaan wadanka gudihiisa, taas oo sawir xun ka bixineysa hanaanka dowladnimo oo u muuqanaya mid si cad u taageeraya kelitalisnimo dowladeed oo awoodii shacabka gacmahooda ka faro maroojineysa, taas oo bedelkeeda awooda oo dhan ku soo koobeysa gacmaheeda keliya, waxeyna tilaabadaas ay ka dhigeysa amarka dowladda mid aysan wax talo ah aysan ku lahayn shacabkeedu, aragtidaas oo caalamka ugu muuqaneysa mid ku keeneysa in dowladda laga difaaco shacabkeeda.

Iney madaxda dowladda ay si sahlan ay go’aan taban uga qaadato xoriyad masiiriya oo ay dadku xaq ugu leeyihiin, waxey meesha ka saareysaa oo ay caqabad ku noqoneysaa jiritaanka ay sida adag isugu xirnaayeen dabarka isku hayey wadajirka ay halganka ugu wada mideysnaayeen sooyaalkii taariikhda, dhaqanka, iyo xeerarka aasaaska u ahaa difaaca rayidka, taas oo burburineysa sareynta awooda shacabka ay ku leeyihiin haykalka dowladda, isla markaasna dowladda ka dhigeysa mid ka go’doonsan shacabkeeda oo ay ka gadoodsan yihiin rabitaankeeda.

Dowladdu waxey u baahan tahay iney si adag ula dagaalanto ka hortaga ama ka dabataga hubka sida sharcidarrada ah dalka dibeda uga soo gelaya, sidaas si ka duwana iney ogolaansho ku meelmariso xeerarka lagu sharciyeynayo hubka sharcigeeda ku soo gelaya dalka oo ay ogoshahay in dalka gudihiisa looga ganacsado oo shacabku ay isku difaacaan, sidaasna waxaa dalkeena la qaba inta badan wadamada caalamka marka laga reebo wadamada ay madaxdoodu yihiin kelitaliyeyaal ama hanaankooda dowladnimo uu ku dhisan yihiin xukun kelitalisnimo.

Dowladu ha garwaaqsato in hubka haysashadiisu ay tahay xaq masiiriya oo baahidiisu ay salka ku hayso faham caqligala oo ay kalifayso ku wada noolaanshaha nabadgelyo kalsooni ku miisaaman oo isku dheelitireysa ismaandhaafka awooda rayidka iyo mida dowladda, awooda dembiyada abaabulan iyo mida shacabka hubeysan, awooda mucaaradka iyo mida muxaafadka, awooda miyiga iyo mida magaalada, awooda xeerarka gudaha iyo kuwa caalamka, iyo ku dhaqmida taariikhda soo jireenka ahayd oo ay dhaxalka u reebeen awooweyaashii Soomaaliyeed oo ahayd dalkaan sida ay u soo difaaceen jireenkiisa, taas oo ay jiilalkii hore u soo gudbiyeen kuwa cusub.

Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

 

Related posts

Al Shabaab oo Shaacisay Sababtii ay u weerareen xarunta Wasaarada Shaqada

Cabdi Cade

Labo qof oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Nin loo xiray inuu ka qeyb qaatay kufsi wadareed dhacay 22 Sano ka hor (Sawirro)

Caydiid Ali