Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Doxa ee dalka Qatar.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dalka Qatar kaga qeyb gali doona shirweynaha Qurba-joogta Soomaaliyeed
Waxa uu halkaas ka jeedin doonaa khudbad dhinacya badan taaban doonta sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Raisul Wasaaraha
Xamse ayaa sido kale kulamo muhiim ah la yeelan doona Ra’iisul Wasaaraha iyo madax kale oo ka tirsan hoggaanka dalka Qadar.