Allbanaadir.com
Life StyleNEWS

Netanyahu oo ka tanaasulay qodobo hor taagnaa xabad joojinta

RW Israel Netanyahu ayaa ka tanaasulay qodobadii heshiiska xabad joojinta hor taagnaa kuwaasoo la xiriiray shuruudo ay wadatay Xamaas

Netanyahu ayaa maanta la kulmay kooxda Israa’iil ee wada-hadallada xabbad-joojinta isagoo u sheegay inuu oggalaaday qodobbada heshiiska hortaagnaa ee ka bixitaanka iyo furitaanka labada marin ee isku xira Qasa iyo Masar, kuwaasoo kala ah Philadelphi iyo Rafah, halka uu sidoo kale go’aansan doono inay Israa’iil u oggalaanayso marka heshiiska uu dhaco dadka ka qaxay waqooyiga Qasa inay dib ugu laaban karaan, taasoo sidoo kale suuragelinaysa inuu isku socodka dib u furmo, sida uu sheegay wargeyska Israa’iil ee Yedioth Ahronoth.

Mowqifka Netanyahu ee isbeddelka uu ku yimid ayaa ka caraysiiyay qaar ka mid ah wasiirrada xag-jirka ah, kuwaasoo ka soo horjeestay, iyagoo ku eedeynaya Netanyahu inuu oggalaaday soo jeedinta Xamaas.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo hadda ah, Wasiirka Tamarta, Eli Cohen ayaa ka mid ah xubnaha ka soo horjeestay ka bixitaanka ciidanka Israa’iil ee marinka Philadelphi oo uu ku sheegay goob ay Xamaas u adeegsato inay hubka ka soo geliyaan Qasa.

Netanyahu ayaa horey u diidday inuu la kulmo kooxda wada-xaajoodka, si loo billaabo wada-hadallada heshiiska xabbad-joojinta, wuxuu u sheegay marka uu soo gabagabeeyo socdaal uu ku tagayo Mareykanka inuu ka fakarayo, balse isbeddelka go’aankiisa ayaa yimid saacado kaddib markii machadka daraasaadka Amniga Israa’iil uu soo saaray warbixin uu ku sheegay inaysan Israa’iil hannaan militari ku joojin karin khasaaraha ay kala kulmayso dagaalka iyo kororka weerarrada Xuutiyiinta, taa beddelkeeda waddada furan waxaa lagu muujiyay warbixinta inay tahay heshiis xabbad-joojin ah oo ay oggalaato Israa’iil.

Related posts

RW hore: “Qeyb kama ahi bayaankii ka soo baxay Madaxdii hore ee Puntland”

Caydiid Ali

Maxkamadda sare ee Kenya oo Go’aan rasmi ah kasoo saartay Doorashadii Madaxweynaha

Cabdi Cade

Bogg Facebook uu ka sameestay Axmed Karaash oo oo maalmo kadib hawada laga saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---