Allbanaadir.com
NEWS

Madaale oo Barnaamij cusub ka daah furay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Barnaamijka ololaha Talaalka caruurta ka yar shanta sano, kaasi oo lagaga hortagaayo cudurada faafa.

Daahfurka Barnaamijkaan oo lagu qabtay Xarunta Caafimaadka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu qeyb ka yahay Qorshaha Adeega Caafimaadka Bulshada oo loogu talagalay in ay ka faa’ideystaan kumanaan caruur oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dhismaha Xafiiska Mashruuca Nagaad oo ah Xafiis ay ku shaqeyn doonaan howlwadeenada Mashruucaan oo ay maalgeliso Bangiga Aduunka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha Xafiiskaan uu wax badan ka tari doonno sidii loo dar-dargelin lahaa Mashruuca Nagaad ee loo qorsheeyay in wax lagaga qabto Dhismaha Kaabayaasha Isku-socodka dadweynaha, Xal-u-helida Biyo-mareenada iyo Bulaacadaha Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dhagaxdhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, Xiriiriyaha Mashruuca Nagaad ee Gobolka Banaadir Omar Hussein Mohamed, Agaasimeyaal iyo Mas’uuliyiin kale.

Related posts

Senator Faroole oo eedeymo culus ku weeraray Mas’uuliyiinta dowlada Somalia

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo xil u magacaabay Taliyihii hore ee NISA Jen. Bashiir Goobe

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wafdi uu horkacayey Axmed Shide (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---