Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir ka tirsan dowlada Somalia oo booqday Sool iyo Sanaag iyo Somaliland oo ka hadashay

Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa safar shaqo ku maraya degaanno ka tirsan gobollada lagu muransan yahay ee Sool iyo Sanaag, halkaasoo ay isku hayaan maamulada Puntland iyo Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay inay u kuur galayaan xaalada ay ku nool dadka ku sugan degaano iyo Tuulooyin ka tirsan Sool iyo Sanaag, amniga iyo horumarka ka jira.

Jamaal Xasan ayaa intaas ku daray in safarkooda ay ka bilaabeen Sool, iyagoo soo dhaweyn wanaagsan kala kulmay shacabka sidoo kalena soo dhageystay Warbixino ku saabsan dhinaca waxbarashada, Caafimaadka iyo Amniga, waxayna u sii gudbeen Sanaag.

Wasiirka ayaa sheegay in xalay ay ku hoydeen Degmada Badhan halkaasoo ay kula kulmeen Maamulka, Odayaasha  iyo dadka degaanka, waxayna soo kormeereen Mashaariic badan oo ka socda degmada.

Wasiir Jamaal ayaa maanta booqday Magaalada Dhahar halkaasoo uu kula soo kulmay Maamulka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Wasiir Jamaal ayaa noqonaya wasiirkii ugu horeeyey ee ka tirsan dowlad Soomaaliyeed oo booqda gobolada Sool iyo Sanaag muddo 30 sano ah ka dib.

Wasiirka Gaashaandhigga Maamulka Soomaaliland Ciise Axmed Xasan ayaa sheegay in talaabadaas aysan aheyn wax weyn isla markaana iyagu ay ilaalinayaan xasiloonida halka xaduudahooda ay yihiin kuwo iska furan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo shir kale iskugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

Wareysigii Madaxweyne Farmaajo oo lagu tilmaamay Nin kaligii garamay !!

Cabdi Cade

Maan-dooriye badan iyo raggii watay oo Muqdisho lagu qabtay iyo Masuuliyiin soo aragtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---