Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo fursad siiyay Shacabka Cadalle

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha Wasiirrada iyo guddoomiyaha gobalka Shabeellada Dhexe ayaa  fursad u siiyay dadweynaha degmada Cadalle inay weydiiyaan su’aallo toos ah.

Ujeeddada Kulankan Dolwadda iyo Dadweynaha Hirshabeelle ayaa ahaa sidii la isaga xog-waraysan lahaa mashaariicda horumarinta bulshada laga dhaqan geliyay degmada iyo baahiyaha wali ka jira deegaanada Degmada Cadale, iyadoo si gaar ah diirada loo saaray sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada bulshada, isku xirka maamulka degmada iyo dadweynaha loogana wada shaqayn lahaa horumarinta dowldnimada iyadoo loo marayaa kalsooni dhiska shacabka iyo Hay’addaha Dowladda Hirshabeelle.

Waxa kale oo laysla soo qaadey siyaasadda iyo istaraatiijiyada dowladdu ka leedahay dhisidda golaha deegaanka degmada xoojinta iyo horumarinta arrimaha Caafimaadka dalkeena iyo waxbarashada, maamul wanaagga iyo soo kabashada dhaqaalaha.

Kasoo qayb-galayaasha Kulnaka Dowladda iyo Dadweynaha Hirshabeelle ayaa su’aalo, baahiyo bulsho iyo talooyin la wadaagaya Madaxweynaha Hirshabeelle, xubno kamida Golaha Wasiirrada iyo Naamulka Gobolka Shabeellada Dhexe.

“Tani waa isla xisaabtan dhab ah oo Dowladda iyo shacabka ah, mana jirto cid aniga iyo bulshada inoo dhaxeyso.” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe

Degmada Cadalle waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu khadiimisan gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana degmadaasi ka socda mashaariic horumarineed, waxaana la filayaa in dhawaan loo dhiso golle deefaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

FARXAD MISE KHATAR AAMUSAN..?! (Soomaaliya iyo Maalmaha Ciida)

Caydiid Ali

Wafdi culus oo maanta ku soo wajahan Muqdisho iyo jidadka muhiimka ah oo xiran

Caydiid Ali

DF oo soo bandhigtay sawirada rag ka tirsan Al-shabaab & lacag la dul dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---