Allbanaadir.com
NEWS

Muddo kordhin loo sameeyay Soomaali aan sharci ku laheyn dalka…

Dowladda Mareykanka ayaa muddo kordhin sannad ka badan u sameesay Soomaali si sharcidarro ah ku joogay dalka Mareykanka, kuwaa oo hadda fursad u helaya in dalkaasi kusii noolaadaan sidoo kale kasii shaqeystaan.

Waaxda arrimaha gudaha ee dowladda Mareykanka ayaa dib u qaabeyn iyo muddo kordhin ku sameysay sharciga ku meelgaarka ah ay dalkaasi lagu joogi karo ee loo yaqaan (TIP), waxaana si gaar ah muddo kordhin loogu sameeyay in dalkaasi kusii joogaan dadka ka soo jeeda Soomaaliya.

Sharcigan ayaana dadka Soomaaliyeed ee la siiyay fursad u siinaya in dalka Mareykanka ay sii joogaan muddo 18-bilood ah oo bilaabanaya 18-ka bisha Sebtember ee sannadkan, waxa uuna ku egyahay ilaa iyo bisha 17-ka Maarso 2026-ka

Dowladda Mareykanka ayaana sharcigan loo yaqaan (TIP) siisa dadka kasoo jeeda qaar kamid ah dalalka caalamka , gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalalka ay colaadaha iyo dagaallada ka jiraan sida Soomaaliya oo ay adag tahay in muwaadiniinta kasoo jeeda dib loogu celiyo.

Xoghayaha Amniga Gudaha ee dowladda Maraykanka, Alejandro N. Mayorkas, ayaa sheegay in muddo kordhinta ay sameeyeen ay  xaqiijineyso in dadka Soomaaliyeed ee hore u joogay dalka Mareykanka ay sii joogaan kana shaqeystaan.

Dib u cusbooneysiinta sharciga KMG waxa uu u ogolaanayaa Soomaali lagu qiyaasay 4,300 in ay dalbadaan deganaashahaas KMG ee TPS. Si aad u hesho waxaa lagaaga baahan yahay in aad ku nooleyd Mareykanka laga soo bilaabo bishan July 12-keeda 2024, dalkana waa in aad sii joogtaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Video:-Imtixaankii dugsiyada Sare ee dalka oo lasoo xiray iyo dil aad looga naxay oo ka dhacay Muqdisho

admin

Axmed Madoobe oo Abaabul dagaal bilaabay xili labo culees uu saaran yahay

Cabdi Cade

Soomaali badan oo laga soo tarxiilayo dalka Mareykanka oo kusoo wajahan Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---