Allbanaadir.com
NEWS

Sababta Geerida Cabdiqani Dulqarneyn oo la shaaciyay

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa ku geeriyooday Jimcihii Cabdiqani Axmed Diihaal (Dulqarneyn) oo caan ka ahaa baraha bulshada, waxaana geerida ninkan dhalisay hadal heyn badan oo ku aadan sababta geeridiisa.

Taliska booliiska maamulka Khaatumo State ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku shaaciyeen in Cabdiqani Axmed Diihaal (Dulqarneyn) uu sabab u ahaa dhaawac toorey ah oo loogu geestay degmada Widhwidh ee gobolka Cayn.

Booliska SSC-khaatumo ayaa qoraalkooda  ku sheegay in marxuum Dulqarneyn uu u geeriyooday dhaawac uu gaarsiiyay 12 July eedaysane Ibraahim Maxamed Cawad,  waxa ayna sheegeen in dhaawacaasi uu yahay sababta rasmiga ah ee keentay geerida marxuumka.

“Ciidanka Boolisku waxay ku guulaysteen inay gacanta kusoo dhigaan eedaysane Ibraahim Maxamed Cawad oo 55sanno jir ah ,, sida ugu dhakhsaha badanna loo hor geyn doono sharciga si loo waafajiyo cadaaladda” ayaa lagu yiri woraalka taliska booliska SSC-khaatumo.

Geerida Cabdiqani Axmed Diihaal (Dulqarneyn) ayaa si weyn u qabsatay baraha bulshada, ninkan ayaana laga soo duubi jiray hadallo badan oo saameyn lahaa, waxa uuna ahaa nin dad badan jeclaayeen waxa uu ka hadlo oo ka turjumeysay xaaladda taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muhiimad intee la eg ayey dib-u-xoreynta Wabxo u leedahay Galmudug iyo guud ahaan Qaranka?

Cabdi Cade

Guri kuyaalla magaalada Muqdisho oo dumay iyo khasaro dhimasho oo ka dhashay

Cabdi Cade

Hooyada Dhashay Ikraan Tahliil oo Qaati ka taagan cabashana ka ah Xildhibaan Caan ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---