Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Mucaarad ku ah Xasan Sheekh oo dil loogu hanjabay

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si weyna maalmahan mucaarad ugu ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasanb Sheekh, ayaa sheegay in dil loogu hanjabay, kaddib markii uu ka hadlay qaraxii lagu qaaday maqaayada Top Coffee ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid , oo kamid ah xildhibaannada kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa Baarlamaanka kahor sheegay in masuul katirsan laamaha amniga dowladda Soomaaliya uu soo wacay uguna hanjabay in uu toogasho ku dili doono,

Waxa uu sheegay xildhibaanka in masuulkan katirsan laamaha amniga uu soo wacay una sheegay in uu dili doono haddii uu mar dambe ka hadlo weerarada Al Shabaab geestaan, waxa uuna xusay in ninkan soo wacay ku heesto hadallo uu ka sheegay qaraxii Top Coffee.

“Waxaa jirtay in la weeraray Top Coffee oo dhalinyaro banooni fiirsaneysay lagu laayay, markii aan ka hadlay oo meeshaan ka baxay ayaa mas’uul kamid ah mas’uuliyiinta dalka ee oo howlahaas qaabilsa uu taleefoon isoo diray isaga oo igu yiri Al-Shabaab miyaa tahay maxaad uga hadashayaa dadkan dhimashadooda iyo dhaawacooda?. Waxaan ku iri Al-Shabaab maahi, laakiin waxaan u damqanayaa dadkeyga mas’uuliyad ayaana iga saran” ayuu yiri Xildhibaan Ciid.

Waxa uu intaas kusii daray xildhibaanka ” “Waxaa ku xigtay in hadalkii ku xigay uu ahaa maanta kadib, haddii aad ka hadasho madaxa ayaan ka tooganayaa, waa ogahay in uusan I toogan Karin tabarteedana uusan lahayn, laakiin qaladkaas waa ka dhacay”

Xildhibaankan mucaaradka ah ayaana ka gaabsaday in uu shaaciyo magaca sargaalka dilka ugu hanjabay, waxa uuna xusay in warbixin dhameestiran arrintan uu kasoo diyaarin doono lana soo wadaagi doono Baarlamaanka Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Heshiis lagu dhisayo waddooyin kuyaalla Puntland oo lakala saxiixday

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Amb. Mohamed Rashid (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Magaalada Oslo kula kulmay Erna Solberg (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---