Allbanaadir.com
NEWS

Faahfaahin: Weerarkii Israel ku qaaday Yemen (Sawirro)

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan duqeyn Diyaaradaha Israa’iil ka geysteen galabta magaalada Xudeydah ee dalka Yemen , iyagoo uga aargoosanaya duqeyntii ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta ka geysteen bartamaha Tel Aviv.

Israa’iil duqeymaha ay ka geysatay Yemen, waxay ku bartilmaameedsatay dekedda, garoonka diyaaradaha, xarumaha adeegga korontada iyo goobo kale oo muhiim ah oo ka tirsan magaalada Xudeyda, dab xoogan oo ka kacay goobahaas ayaanna gaaray qeybo badan oo magaalada ah.

Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhigan yahay inaan la cafin doonin cid kasta oo ku soo xad gudubta Israel.

“Dabka hadda ka holcaya Yemen, waxaa laga arkayaa guud ahaan Bariga Dhexe, markii ugu horreysay ee Xuutiyiintu ay waxyeello u geystaan ​​muwaadin Israa’iili ah, waan dilnay oo garaacnay, dhiiga muwaaddiniinta kama tageyno jawaab la’aan waana waxa laga arkayo Lubnaan, Yemen, iyo meel kasta.” ayuu yiri

Afhayeenka ciidanka Israa’iil ayaa isna sheegay in Howlgalka Yemen ay keligood qaadeen uuna ahaa mid ka mid ah howlgalladii ugu dheeraa, uguna adkaa ee militariga Israa’iil ay fuliyaan.

Duqeymaha Israa’iil ka geysatay magaalada Xudeydah ee dalka Yemen, waxaa ka qeybqaatay 20 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay wehelisay diyaarad u sidday shidaal

Afhayeenka rasmiga ah ee Xuutiyiinta, Maxamed Cabdisalaan ayaa sheegay duqeymaha Israa’iil  inaysan ka joojin doonin taageerrada ay siinayaan shacabka Qasa.

Yaxye Sariic Afhayeenka howlgalada ee Xuutiyiinta Yemen, oo goor dhow soo saaray War saxaafadeed ka soo saaray duqeymaha ay maanta Israa’iil ka geysatay gudaha Yemen wuxuu ku goodiyey iney israel ka shaleyn doonto weerarkaas

“Waxaan xaqiijinaynaa inaan ka jawaabi doono gardarrada qaawan ee Xudeyda Kama labalabayn doono inaan weerarno bartilmaameedyada muhiimka ah ee cadowga Israa’iil, Mana joojin doono howlgallada aan ku taageereyno walaalaheena Qasa, wax kasta oo ka dhalan kara, Waxaan isku diyaarineynaa dagaal dheer oo aan la galno maamulka Israa’iil, Tel Avivna ma noqon doonto mid amni ah.” ayuu intaas ku daray.

Afhayeenka Golaha Amniga Aqalka Cad ee Mareykanka , John Kirby oo weerarkan ka hadlay ayaa sheegay in Israel ay xaq u leedahay iney is difaacdo.

“Waxaan si joogto ula xiriiraynay Israa’iiliyiinta kaddib weerarradii Tel Aviv ee lagu dilay qof rayid ah. Waxaan si buuxda u aqoonsannahay xaqa ay Israa’iil u leedahay inay is-difaacdo, Mareykanka wax lug ah kuma lahayn duqeynta maanta ka dhacday Yemen, mana aanan xiriirin ama kama aanan caawin Israa’iil duqeynta” ayuu intaas ku daray.

Related posts

Kulan Wadareedka Dardar Galinta Hiigsiga Xukuumada Jubbalad oo la daahfuray (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidan ka kooban NISA & Danab oo howlgal ku dilay 23 ka tirsan Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Saldhig booliis uu la wareegay Saney Cabdulle ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---